Xusuusta iyo Xisaabinta Xubnaha Halganka ku Baxay, Waxay Xoojin Xiisaha Xoriyada Ogadenia.

 

Ogaden flagHalaganka Ogaden oo ka mida halgamada ugu taariikhda dheer, ayay halganka taariikeedkiisu ka qarsoonayd inta badan dadka ku nool dalalka aduunka. Taas oo ay ugu wacnaayeen dhawr arimood sida; aqoon daradda, hoosiiska Somaliya, Mukhuurinta Atoobiya iyo kalsooni darida dadka u dhashay dhulka Somalida Ogadeeniya. In kasta oo 20-kii sano ee ugu dambeeyey uu sameeyey isbadal balaadhan.

Dardaarankii Ingriiska heshiiska sharci darada ah ugu wareejiyey Ogadenia ayaa ahaa “dhulka nin hurdaa leh, sii kolka uu tooso.”

1948, kolkii Ingriisku si hoose heeshiiska ugu wareejiey Xabashida qaybtii ugu dambaysay ee Ogaden [surrendered Ogaden to Ethiopia], waxaa kolkii ugu horaysay arinkaas ogaaday dhalin yaro reer Somaliland ah [british somali protectorate]. Waxayna warqad cabasho ah u gudbiyeen badhisaabkii in Ingriiska ee fadhiyey Hargeysa. Badhisaabka ayaa u sheegay dhalinyarada in uusan waxba ka qaban karin arintaas, dacwadoodana u geeyaan Boqortoyada Ingriiska. July 1948, dhalinyaradu waxay tagay London, iyaga oo wada warqad cabasho ah siinta gabalka Ogaden Xabashida. Waxaa dhalinyarda loo sheegay in dhulkaas heshiis lagu wareejiyey, waxbana ayna haatan ka qaban karin. Dhalinyaradu waxay ku catawaday in dhulka geelu u daaqo [hawd] loo celiy.

Boqortooyada Ingriiska waxay ka codsatay Menilik in lacag la siiyo celiyana “hawd”. Menilik arinkaas wuxuu kaga jawaabay “lacagi dhul ma goyso laakiin dhul baa lacag gooyaa dhulkaygana lacag dhaafsan maayo.”

Halkaas waxaa quus kaga soo tagay dhaliyartii reer Somaliland, waxayna arinka kolkii dambe gaadhsiiyeen ururkii xornimo doonka Somaliya SYL [Somali national Youth].

SYL, dacwad bay gaysay qaramada midoobay, laakiin lagama hoos qaadin maadaama xiligaas ayna jirin dawlad Somaliyeed oo madax banaan oo dacwadeeda la dhagaysto.

1954, oo ahayd xiligii Atoobiya sida buuxda ula wareegtay qaybtii u dambaysay Ogaden, Boqor Xayle Salase wuxuu ka shaqaaleeyey dhulka Somalida Ogadeeniya 10 nin oo ilaaliya baqlaha ay ku safraan dadka ka socda boqotooyada Xabashida ee jooga gabalka Ogaden.old

1960, Somali meel kasta oo ay dagto waxaa ka dhacay dabaal dag ay ku muujinayeen in ay xoroobeen. Laakiin runtu sidaas way ka duwanayd, magaalada Jijiga waxaa lagu dilay 7 ruux, waxaana lagu xidhay 200 oo ruux oo ka qayb galay dabaal daga xoriyada Somaliya, magaalooyinka kale ee dhulka Somalida ee xabashida la siiyeyna, waxaa ka dhacday mid la mida Jijiga.

Waxay ahayd kolkii ugu horaysay ee ay aqoonsadeen dadka Somalida Ogadeeniya in ay ku jiraan gacan gumaysi Afrikaan ah, wixii la doonana lagu samayn karo. Xiligaas ma jirin dad aqoon leh ama leh xadaarad magaalnimo dadka magaalooyinka joogana way koobnaayeen.

Dawladii Somaliyeed ee dhalatay markiiba waxay dacwad ay ku raacdaynayso dhulka Somaliyeed ee maqan gaadhsiisay Qaramada midoobay.

Dareenka gumaysiga xabashida awgiis waxaa bilawday dalwashada dadka yar ee magaalooyinka joogay ay ugu baxsanayeen Somaliya [awr dabar la,a iyo nimaan duunyo hayn labaduba way dalaw halaabaane].

Awood qaybsigii dawladii curdanka ahayd ee Somaliya, waxaa ku dib jiray dadkii dalwashada ku tagay dhulka Somalida Ogadeeniya. Waxaana axsaan loogu sameeyey marti galiyo si ay u dhacsadaan xaqooda, laguna dhiiri galiyey in ay dhiilka u cugtaan soo dhicinta hantidooda dhacan [nimaan dhaqan ma dhamo].Ogaden liberation front 1964

1963, waxaa bilowday halgan, laakiin wali waxaa jirtay isku halayn  ay dadka Somalida Ogadeeniya isku halaynayeen Somaliya, arintaas waxaa ugu wacnayd aqoon daro iyo la socosho la,aan waxa ka jira dunida dacaladeeda [doqontu kama daasha ilaalinta xoolaha walaalkeed, mana qoomamayso kolka uu qadiyo, laakiin way oydaa].Ogaden

1963/4 – dagaalkii lala galay Atoobiya waxaa uu ahaa mid u dhaxeeya Atoobiya iyo Somaliya, golaha amaankuna wuxuu fadhigiisii arintaas gadarada iyo mag dhawga khasaarihii dagaalka ku xukumay Somaliya.

1976 – Nasasho dheer ka dib, wali dhibaatadii dadka ka yimid Somalida Ogadeeniya ma dhamaan. Lacagtii marti galiyada ee lagu sharfay duqaydii gabalka Ogaden lama kordhin sicir bararkii maceeshada dalka Somaliya sida mushaarka loo kodhiyo. Dalwadkiina hore wuu kari waayey marti galinta dhalin yartii ku soo hiranaysay Somalinimada iyo ehelkooda jira Somaliya. Waxaana lagu cawysimay golayaasha hanuuninta kacaankii Somaliya [orientions], waxaa la qoday bacaadkii garaash booragaraam iyo tabicii beerihii dawlada, waxaana la iswaydiiyey war maynu dhulkeeni xoraysano?Ogaden liberation 1978

Atoobiya intii laggaga tagya wali waa sidii Iskuul iyo aqoon midna kama jirto, Xayle salaase wuxuu Melilikh ka dhaxlay dardaarankii Ingriiska ee ahaa “dhulka nin hurdaa leh kolka uu tooso sii.”  Xabashi waxay goosatay in ayna isku toosin ninkaas hurda.

1977/8 – War aynu dhulkeenii u dagaalano iyo qori nasiiye mooyee xisaabtan kale ma jirin, hadii ay in yari jiratayna, intii badnayd baa hafisay. Hadii ay jiri lahayd aqoon iyo xadaarad iyo xisaab laga reebay wixii dhacay [buuggaag], waxaa xaqiiq ah in aan mar labaad la khaldameen. Waxaana in badan maqlaa xisbigii nasrulahi [Jamal cabdinaasir-kii Masar ama siyaasadiisii nasriyada] iyo hogaamiye makhtal Daahir, oo ahaa hogaankii ugu dambeeyey ee Jabhadii Nasrulahi. Waxaa iswaydiin leh, aaway dadkii halganka kula jiray Makhtal Daahir, aaway dadkii ku dhintay, aaway goobihii ay dagaaladu ka dhaceen, aaway dadkii loo xidhay halganka. Waxaa uu la mid noqday halgankaasi Jilaal xun oo ay dad reer miyi ah soo mareen kaliya. Waxaa xusuus reeb la,aantaas ugu wacnaa aqoon daro iyo arimo kale oo aan loo baahnayn in aan halkan ku sheego.

1977/8- dagaalkii dhacayna waxaa uu la mid noqday kii 1963/4. Golaha aamankuna fadhigiisii arinkaas wuxuu ku xukumay Somaliya gardarada dagaalka iyo in ay bixiso wixii khasaare uu keenay. Somalida Ogadeeniya waxay xusuusataa oo kaliya ninkii ugu dambeeyey ee madaxda ka haa Jabhadii Xoraynta Somali Galbeed [JXSG], oo ahaa Sheekh Cabdi-naasir Sheekh, wax kale oo la xasuusto ma jiraan, wuxuu ahaa halgan dabo go,an [Jilaal xumaa ay mareen dad reer miyi ah].Ogaden liberation front 1977

In kasta oo ay ahayd siyaasad xun, hadan mahad waxaa leh dhamaan umada Somaliyeed oo ka qayb gashay dagaalkii 1977/8, kaas oo khasaare badan uu ka soo gaadhay dawlada iyo shacabkaba. Dhinaca kale, in kasta oo khasaare naf, mood iyo bara kacba jiray, waxaa faa,iido helay dadka u dhashay dhulka Somalida Ogadeeniya waxay heleen aqoon iyo waayo aragnimo.

Aas Aaskii JWXO 1984, xiligan in ay aasasanto Jabhad ka madax banaan Somaliya, waxaa sabab u ahaa qaxootigii iska daba yimid ee joogay dalka Somaliya iyo dadka jamhuuriyada Somalida laftigeedii oo uu ka dhex bilowday guux siyaasadeed iyo hinaase ka bilowday martida Somalida Ogadeeniya. Waa kii Hadraawi silsiladii Deeley ku lahaa [waa kaynu duugnee “qabiil” dusha dhagax ka saaree laga soo dareeree dib ninka uula soo baxay waa dan iyo xeeshii, Ninka daafacaayana hashu hawgu darartee dambi ma leh nin baahani ]. Ninka baahan ee aan dambiga lahayn waa Somalida Ogadeeniya, kan xeesha xukun wataana waa Maxamed Siyaad Bare [Naxariis Eebe Wayne ha siiyo.

August 15, 1984, waxay ahayd ayaan ka gadisan ayaamihii hore ee Somalida Ogaden, waxaana talada, ujeedada iyo go,aanka lahaa dadka u dhashay dhulka Somalida Ogadeeniya. Marka uu halganku ka bilowdo dadka leh dhexdiisa waxaa xaqiiq ah in halgankaasi uu midho dhalo dhibaato kasta oo gaadhana ayna joojin, taas waxaa markhaati furay Abay Tsehaye Tigray oo ahaa ninka kowaad ee Tigray jabhadnimo loo tababaro 1975. Wuxuu ka yidhi xasuuqii Ogaden 2007/8, kulankii TPLF “shacab la laayo guul buu u keenaa jabhada.” Hadalkaas asxaan uguma galayn shacabka Somalida Ogadeeniya, laakiin waxaa haysay cabsi ah in Jwxo heshay shacab iyo taageero caalami ah.

Bislaanshaha siyaasadeed wuxuu ina faraa “gamco geel jire kor looma maydho.” Halganka Jwxo, laga bilaabo shirwayhii 1aad ee Ogadeeniya ee ka dhacay degmada Garbo ee gabalka Nogob 1992, wuxuu ku taagan yahay tiiro 90°. Iskudayga gumaysigu waxay marwalba ka sii cadhaysiin, kuwa aamina ama is fara arimo aan ka suurto galayn gumaysiga.ogaden 1992

Halganka xornimo doon nina gaar uma leh, ka wada qayb galkiisuna suurto gal dadka uma wada ah, laakiin xaqiiq waxaa ah in kuligood ay jecel yihiin guusha xoriyada.
Xusuusashada halgamayaasha Jwxo, waxay hanti u tahay taariikhda halganka, waxayna waraabe salaax iyo kalsooni u tahay, kuwa ka maqan halganka.

Waxaa kale oo ay dhiiri galin iyo tacliin u noqonaysaa da,a yarta u dhalatay dhulka Somalida Ogadeeniya oo hirasho la,aan si fudud u gali gacanta gumaysiga.

Waxaan hubaa oo gumaysigana quus u ah in ay jiraan dad badan oo u dhashay Somalida Ogadeeniya, oo waxbartay haystana dhalshooyin reer galbeed ay maanta gacanta ku hayaan halganka Jwxo. Waxaa kale oo iyaduna kalsooni leh in 2 milyan oo u dhashay gabalka ay degan yihiin dalalka galbeedka, kuwaas oo aan ka daalayn raacdaynta halganka.

Ugu dambayn waxaan ku kalsoonahay in Atoobiya ayna sii ahaanayn, sida ay ahayd 20 sano ee ugu dambeeyey, cabudhiska batayna uu butaaci doono.