Xusni Mubark oo Diiday Casilaad!

 

Xusni Mubarak waxaa uu yidhi “xafiiska waan joogi ilaa iyo inta laga gaadhayo bisha September xiligaas oo ay doorasho ka dhacayso dalka, marka la gaadho xilgaas ayaan awooda oo dhan wareejin”.

Xusni Mubarak oo ka faaloonayey jahawareer maanta la sheegay in uu isu diyaarinayo in uu iscasilayo, ayaa TV kala hadlay dadweynaha, waxaana uu yidhi awooda badh baan ku wareejin madaxweynane ku xigeenka Omar Suleiman, laakiin waxaa uu sharxay in uu joogay xukunka.

Kumanaan banaan baxayaal ah oo jooga barxada Tahrir Square, oo ka soo horjeeda xukunkiisa, ayaa aad uga cadhooday hadalkiisa.

Dadka banaan baxaya ayaa ku dhawaaqaya Mubaarak ha dhaco, iyaga oo wadhfinay Jaamahooda, qaar ka mid banaanbaxayaasha ayaa waxay ku wajahan yihiin xarunta madaxtooyada.

Mubarak ayaa hore balan ugu qaaday in uusan isu taagayn doorashada September, uuna sugayo oo kaliya in sugo hanaanka awooda uu u wareejinayo.
Xusni Mubarak waa 82 jir, mar uu si toos ah TV ugala hadlaya banaanbaxayaasha ku sugan barxada Tahrir Square, “kana halaya calooshiisa,” ayuu yidhi “kama yaxyaxsani in aan dhagayso dhalinyarad iyo in aan u jawaabo.”

Wuxuu ka raaligaliey qoysaskii banaanbaxyaashii lagu dilay iska horimaadkii ciidamada nabadgaliyada ee todabaadyadii dhawaa, wuxuu yidhi “kuwii masuulka ka ahaa dilalkaas waa la ciqaabi.”

Madaxweynaha ku xigeenka Suleiman, oo kolkii hore ay soo yeedhay in uu Mubarak ku wareejinayo xukunka, ayey banaan baxayaashu ka diideen.

Hadlii Mubarak ka dib, wuxuu banaan baxayaasha u sheegay in ay guryahooda aadaan, isbadal sharci ayaa socda, maxadeynuhu wuxuu isiiyey awooda nabad sugida iyo sugida amaanka Masar.

rasaasa.com