Xuska Dhalashada Nabi Muxamed Naxariis iyo Nabad Galiyo korkiisa ha Ahaatee, oo Lagu Qabtay Addis Ababa.

 

Addis Ababa, Feb 15, 2011 [ras] – Sanad guuradii 1485 ee ka soo wareegatay dhalashadii Nabigeenii suubanaa Muxamed Calayhi Sallaam oo maanta oo talaado ah, muslimiinta Ethiopia ka dabaal dageen dhamaan dalka.

Dabaal dega ugu weyn ee ay muslimiintu maanta isugu yimaadeen magaalada Addis Ababa, ayaa ka dhacay garoonka kubta cagta, waxaana ka qayb galay kumanaan muslimiin ah.

Waxaa la hadlay dadka isugu yimid kulanka xuska Nabi Muxamed NNK [Mawlid], madaxweynaha golaha sare ee arimaha Islamka Itobiya ee fadhigiisu yahay Addis Ababa Haji Zeid Gizaw. Madaxweynaha Muslinka Itobiya wuxuu yidhi “dabaaldegan dhexdiisa waa in muslimku isumuujiyaan kalgacalka dhexdooda ah.”

Dhamaan gabalada dalka Itobiya ayaa laga xusayaa maanta dhalashada Nabi Muxamed NNK, arintan waynaynta xuska Nabiga ee muslinta ayaan awal hore si guud ahaana looga xusi jirin dalka.

rasaasa.com