Xuma-Talis iyo Qabyaalad Astaan Gumaysi

 

qabyaalad Jijig, Mar 29, 2014 – Socdaalkii ugu horeeyey ee masuuliyiinta degaanka Somalida Ogadeeniya ku tagay Yurub, waxay shirar ku qabteen gudaha safaaradaha Atobiya.

Nasiib, waxaan ka qayb galay shir ka dhacay dal ka mid ah Yurub. Waxaan la kulmay wax aan ka xishooday, laakiin gumaysiga iyo makastu jecel yihiin “qaybi oo xukun”. Kolkii uu dhamaaday hadalkii waftiga, ayaa xidhiidhiyihii akhriyey qoraal jadwal oo lagu qaabilayo beelaha, waanan ka qadh go,ay waftigii meesha socday, waxaana ii cadaatay in ay yihiin, adeegayaal gumaysi.

Dawlad wanaagsan oo maamusha dad iyo dal waxaa lagu yaqaan in ay ka shaqayso isku duubnida bulshada, si ay dadku uga baxaan dib u dhaca iyo qaybsanaanta loona gaadho horumar. Horumar iyo wanaagna waxaa lagu gaadhaa midnimo, isku duubnaan iyo qabyaalad la,aan.

Waxaan gaadhay safaarada maalintii kulanka beeshayda ee safaarada Atobiya, waxaa gursi gooni ah ku fadhiistay masuuliyiinta oo ay waardiyeynayaan qaar ka mid ah qurbo joogta oo ay isku qabiil yihiin, kolkaas baan yaabay oo aan idhi goorma ayuu hebel askari noqday!

Waxaa timid maalintii beeshayda, waxaa la bilaabay su,aalihii, wax kolba ruux mahad naqaba, waxaa la gaadhay moorkadaydii, hadal baan biloobay mahadnaq la,aan waayo sabab aan u mahad naqo ma garanayn. Saa kolkiiba waxaa faruuryaha i goostay dadkii goobta fadhiyey, Cabsi iyo naxdin aan i galin 17 sano oo aan Yurub joogay  baa i gashay, waxaan is waydiiyey maxaad dambi gashay. Waxaa i cabsi galiyey hore waxaan u maqli jiray dadka waa la iska xidhaa masuuliyiintii degaankuna meesha way joogtay, waxaana iga luntay in aan Yurub joogo, taas ayey cabsidu ahayd. Waxaan maqlay iska daaya!

Kol dambe oo hadalkii iga lumay, ayaa waxaan xasuustay in aan Yurub joogo, calool adayg ayaan ku galay su,aashaydii oo ahayd. Mudane hadaad reer ula kulanto dadka soo ma sii kala fogaanayaan, maxaad si guud uula kulmi wayday oo aad cidii ku rabtana si gooni ah u qaabili wayday? Waxaa kale aan waydiiyey wadan nabad galiyo ah baan joognaa maxaad shirka loogu qaban wayday hoolasha waawayn ee loo sameeyey in lagu shiro? Midna jawaab fiican, oo i qancisa ma helin.

Kolkaan dibada u soo baxay, waxaan la kulmay dad badan oo ka soo jeeda gabalada burburay ee Somaliya kuwaas oo sheegta maamulo iyo kuwa aan isku magaalo ka nimid oo dibada taagan. Kaan isku magaalada ka nimid baan idhi war saacadeenii bay ahayde maxaad u soo gali wayday shirka. Kolkaas ayuu iigu jawaabay isku magaalo ayeynu ku dhalanay laakiin isku dagmo ma nihin iyo isku dan midna!

Waxaa ii cadaatay labo arimood oo ay masuuliyiinta degaanka Somalida Ogadeeniya dibadaha u aadaan oo ah; in ay qaybiyaan shacabka degaanka iyo in sababta safaarada shirka loogu qabtaa ay tahay in beelo aan u dhalan degaanka Somalida Ogadeeniya tirada lagu badiyo. Waayo hadii hool madax banaan lagu qabto beelaha safaarada ku xidhan ma iman karaan hoolka, iyaga oo ka cabsanaya in farta lagu fiiqo.

Dadka taga safaaraha Atobiya, waa kuwa ka mid ah maamulada baa,biyey sumcada dalka Somaliya iyo dadka Somalida ahba. Dadka Somalida ah ee ay haysato Atobiya  iyo dadka Atobiyan ma tagaan shirarka safaarada.

Nabada ka hore beelaha Somalida ee aan degin degaanka Somalida Ogadeeniya, way ka qayb gali jireen shairarka safaarada Atoobiya lagu qabto. Dadkaasi ma aha dad leh ujeedo iyo ka jeedo, cid wal oo shir qabata way u tagaan.

Waxaase la yaab leh dadka Somalida ay Atobiya ula dhaqanto, sidii xiligii reer galbeedku qaybsadeen dad Afrika.

Gabalada masuuliyiinta degaanku waxay ku booqdaan magac qabiil, kolbana madaxwaynaha waxaa raaca ruux ka soo jeeda beesha madaxdu booqanayso. Wali lama arag masuuliyiinta degaanka oo intay shacabka degaanka isugu yeedhaan khudbad midaysan u jeediyo iyo waliba in dadku wax qabsadaan.