Xubno ah Kooxda Jwxo-shiil, oo Laga Yaabo in Loo Qabto Arimo la Xidhiidha Argagixisanimo

 

New York, June 16, 2011 [ras] – War aanu ka soo xiganay saraakiil ka tirsan WFP, oo ku sugan New York, ayaa yidhi a”fhayeenka kooxda, ayaa sheegay in ay hayaan shaqaalaha WPF, walina wax xidhiidh ah nalama soo samayn.”

Afhayeenka kooxda, ayaa la sheegay in uu maalin dhawayd ku canaantay xubno kooxdiisa ah “wax aydaan hubin baad sheeg i dhahdeen.”

Saraakiisha hayadda WFP, ayaa joogto ula soo xidhiidha Abti-doon, iyaga oo waydiinaya meesha ay marayso xaalada shaqaalaha hayadda WFP, ee ay gacanta ku hayaan.

Abti-doon, ayaa waji gabax kala kulma su,aalaha joogtada ah ee ay waydiinayaan saraakiisha WFP. Abti-doon, oo kolkii hore loo sheegay in uu qirto hayanta shaqaalaha, maadama uu afayeen yahay, laakiin su,aaluhu maanta isaga iyo qoyskiisa ayey kali ku yihiin.

Ethiopia ayaa shalay sheegtay in saddex urur oo uu Jwxo-shiil, ku jiro loo aqoonsaday argagixiso.
Dawlada ayaa gudbisay dalalka reer galbeedka qoraal ay ku qoran yihiin magacyada saddex urur iyo dadka wada ururadaas oo dhamaantood ka hawl gala dalalka reer galbeedka.

Hayada WFP, ayaa hal ruuxa kaliya u haysata shaqaalaha laga afduubay wixii dhib ah ee gaadha iyo waliba kuwii dhintay, ruuxaasina waa Abti-doon, oo degan dalka Ingriiska.

rasaasa.com