Xubno ka Tirsan Kooxda Jwxo-shiil oo Muqdishu Lagu Soo dhaweeyey

 

Muqdisho, Sep 16, 2011 [ras] – xubno afar ah oo ka tirsan kooxda Jwxo-shiil, oo Muqdisho gaadhay maalintii shalay ahayd, ayaa waxaa ku soo dhaweeyey masuuliin ka tirsan dawlada ku meel gaadhka ah ee Somaliya.

Dalka Kenya ayaa sanooyinkii ugu dambeeyey waxaa uu hoy u ahaa kooxda Jwxo-shiil, halkaas oo ay dib isugu abaabuli jireen si ay dhibaatooyin uga sameeyaan gabalka Ogaden.

Dhawaan ayey dawlada Kenya ka soo saartay go,aamo ay dalkeeda kaga saarayso kooxda Jwxo-shiil, ka dib kolkii ay kooxdu ka fulisay dalka Kenya dilal badan oo qarsoodi ah.

Wararku waxay intaas ku darayaan in labadii todobaad ee ugu dambaysay ay masuuliyiinta kooxdu xidhiidh la samaysay saaxiibo ay ku leedahay dalka Somaliya, halkaas oo looga gacan haadiyey.

Isla shalayba waxaa xubnaha kooxda ee gaadhay Muqdisho qado gurigiisa ugu sameeyey Xoghayaha gabalka Banaadir Tasan, oo ay masuuliyiinta kooxda saaxiib dhaw yihiin.

Tarsan ayaa waxaa uu ka mid ahaa taageerayaasha kooxda, ka hor inta uusan noqon xoghayaha magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya. Horena waxay dawlada Ethiopia ugu eedaysay in uu yahay lid Ethiopia [anti Ethiopia].

Magaalada Muqdisho oo ah magaalo mug weyn oo ayna ka jirin wax kala dambayn ah, joogaana masuuliyiin taageero u haya kooxda Jwxo-shiil, ayaa suurto gal ay tahay in ay kooxdu saldhigyo ka samaysato.

rasaas.com