Xubno ka Tirsan Kooxda Jwxo-shiil, oo Booliska Kenya Galabta Qabtay

 

Nairobi, June 21, 2011 [ras] – War aanu galabta ka helay  mgaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxay sheegayaan in Booliska dalka Kenya uu maanta duhurnimadii qabtay dhawr xubnood oo ka tirsan kooxda Jwxo-shiil.

Qabashada xubnahan ayaa la xidhiidhinayaa dilkii Cabdi Cabdulahi, oo saaka Maykiisa laga helay xafad ka mid ah xaafadaha Nairobi.
Takhaatiirta baadhaysay mayka [coroners] Cabdi Cabulahi, waxaa sheegeen in 8 xabadood ku dhacda, waxaana cad in guri lagu dilay sida uu Boolisku sheegay, ka dibna dibada la soo dhigay mayka.

Xubnaha kooxda Jwxo-shiil, ee la qabtay ayaa faro laga qaaday, su,aalona uu Boolisku waydiinayaa. Xubnaha la qabtay waxaa ka mid ah Maxamed Shariif, Fadumo Xirsi Mahad iyo Tiibaa.

Wali lama cadayn karo sababta runta ah ee keentay dilka, laakiin waxaa caado u ah kooxda in ay si qarsoon u disho xubnaheeda, kolka ay wax isku qabtaan.

In kasta saaka la helay maydka Cabdi Cabdulahi, hadana Kooxda Jwxo-shiil, wali waxba ka odhan dilka loo gaysta masuulkan ka tirsan kooxda.

waxaana loo badinyaa in kooxdu is-haysto.

rasaasa.com