Xubno ka Tirsan Booliska Magaalada Qabridahare oo Xalay la Dilay

 

Qabridahare, May 8, 2012 [ras] – Labo ka tirsan ciidanka Booliska degaanka Somalida Ethiopia ee Magaalada Qabridahar, ayaa midna dhintay midna dhaawac yahay, ka dib kolkii ay xalay is rasaaseeyeen ciidamo ka mid ah kuwa magaalada.
Labada nin ee midna dhintay midna dhaawaca yahay, waxay ahaayeen ciidan cusub oo hada tababar ku soo dhamaystay xerada tababarka ciidanka booliska Garab Case ee gabalka Jijiga.
Magaalooyinka degaanka Somali waxaa ka hawlgala ciidamo kala duwan ah oo kuligood hubaysan, waxaana marar qaarkood ay rasaas iswaydaarsadaan sababta dhimasho.

Rasaasa.com