Xubnihii ONLF, oo Diidan Dalabka Atoobiya

 

Ali-dhere-SulubJijiga, Feb 3, 2014 – war aan ka helay dad ku dhaw xarunta maamulka degaanka oo diiday in la magacaabo, ayaa sheegay in sabaalo lagu wado xubnaha ONLF ee Nairobi laga soo qabtay 26/1/2014.

Qofka aan warka ka helay, wuxuu sheegay in balan qaadyo badan loo sameeyey labada nin, laakiin wali lagu qancin la,a yahay.

Waxaan la garanayn waxa ay Atoobiya ka yeeli doonto labadan xubnood, hadii lagu qancin waayo wax laga rabo.

Atoobiya ayaa baryaha dambe isticmaalaysay tabo cusub oo ay kula dagaalamayso ururka ONLF. Kuwaas oo ah in xubnaha ururka ee qabto laga sheegsiiyo in ay ka tanaasuleen mabada,oodii. Arintaas oo mucjiso ku noqota shacabka degaanka, iyaga oo iswaydiiya waxa ay kolkii hore ku dagaalamayeen.

Waxaa la aaminsan yahay in xubnaha ONLF, ee la qabto qaarkood lagu duro Maandooriye [drugs], ka dibna la cabsi galiyo [psychological torture]. Kuwaas oo laga dareemo dhaqmaadkooda iyo hadalkooda.

Dhanka kale, madaxwaynaha degaanka Somalida Atoobiya, ayaa lagu wadaa in maalinta bari ah uu ka soo dago Addis Ababa. Madaxwaynaha ayaa hawlo caafimaad ugu maqnaa dalka Thailand, halkaas oo qalin fudud lagu sameeyey.