Xubin UBO-da Jwxo-shiil ah, oo Lagu Xidhay Xeebta

 

Casmara, January 26, 2012 [ras] – Sulub Cabdi Axmed oo ka mid ahaa ubo-da Jwxo-shiil, mudana ku xanuunsanaa Eritrea ayaa xabsi ku yaal Caasmara la dhigay.

Qabashada Sulub ayaa timid, ka dib kolkii ay Booliska Eritrea ogaadeen in uu shir u qabtay taageerayaasha Ubo ugu afduuban Eritrea, dadkaas oo awoodi wayey hab ay ka baxaan dalkaas.

Ciidamada Eritrea, ayaa Sulub ka qabtay hoy uu ka deganaa magaalada Caasmara xili aroor ah. Ma jirto cid ka warhaysa meel la geeyeye Sulub Cabdi Axmed, waxaa kale oo aan jirin cid raadinaysa, maadaama ayna isku wanaagsanayn Ubo iyo Eritrea.

Sulub Cabdi Axmed, ayaa Nairobi naftiisa ku aamini waayey, kana cararay badhtamihii sanadkii 2011, isaga oo dib ugu laabtay Caasmara oo saldhig u ahaan jirtay Ubo-da Jwxo-shiil.

Sulub, wuxuu mudo ku xanuunsanaa Caasmara, waxaana dhawaan lacag u uruuriyey beeshiisa. Sulub waxaa la doonayey in laga tahriibiyo dalka Eritrea oo la geeyo mid ka mid ah dalalka reer galbeedka.

Xaalada xubnaha Ubo-da Jwxo-shiil, ayaa haatan ku sugan xaaladii xubnihii xisbiga Naasiga Jarmalka, waxayna haatan dhibaato ku haysataa meel walba oo aduunka.

rasaasa.com