Xubin ka Tirsan Congreska [US Congress Member] Maraykanka oo u Diray Dhanbaal Ururka Codka Nabada Ogadeniya

 

Susan A. Davis oo ah xubin ka tirsan kongareeska gudigiisa Xooga qalabka sida, qaybta arimaha ciidanka ayaa dhambaal bogaadin ah u diray, Ururka Codka Nabada Ogadeniya iyo Macadka Joan B.Knoc ee nabada iyo cadaalada oo isugu yimid shir sanadoodkoodii sadexaad.

Marwo Susane ayaa waxay warqadeeda ku bilawday,”waxaa sharaf ii ah in aan salaan iyo bogaadin u diro Ururka codka nabada Ogadeniya iyo macadka Joan B.Knoc ee nabada iyo cadaalada ee isugu yimid shir sanadoodkoodii sadexaad ee ay kaga hadlayaan xaalada siyaasadeed iyo tan aadaminimo ee Ogadeniya.

Marwada oo hadalkeeda siiwada ayaa waxay tidhi “anigoo ah xubin katirsan congaresska Maraykanka waxaan aad u soo dhawaynayaa dadaalka aad ugu jirtaan in aad soo bandhigtaan dhibaatada kajirta Ogadenia.

Isukeenida siyaasiyiinta aqoonyahanka, indheergaradka iyo cidkasta oo arinkani khuseeyo si ay isudhaaf sadaan aragtidooda ayaa ah talaabo horseedaysa in la gorfeeya dhibaata haysata dadka Gobolkaas(Ogadenia)

Marwadan ayaa warqadeeda ku soo gunaanadaysay  “jalayaal Ogaada dadaalkaad wadaan waa mid keeni kara isbadal waana mid ay bulshadayadu danaynayso”

Ogaden Voice of Peace