Xisbiga Ismaamulka Somalida oo Shiray, Go,aamana Soo Saaray

 

Xisbiga kaliya ee uu leeyahay dawlad degaanka Somalida oo shir isugu yimid ayaa ansixiyey arimo dhawra isbadalna ku sameeyey xeer hoosaadka xisbiga. Xisbiga ayaa waxaa uu leeyahay 555 xubnood, waxaana dhexdiisa laga sameeyey 47 xubnood oo gole dhexe ah, xubnaha golaha dhexe ayaa laga dhex doortay 13 xubnood oo gudig fulin ah.

Xisbiga oo hore magaciisa loo odhan jiray xisbiga dimoqraatiga shacabka Somalyeed XDSHS, ayaa lagu badalay xisbiga dimoqraatiga shacabka somalida Itobiya XDSHSI, astaantii xisbiga oo hore u ahayd xidig cad ayaa haatan laga dhigay haan.

Xisbiga ayaa u saaray guddi samaysa calanka Ismaamulka Somalida, madaama calankii hore ee la badalay aan loo saarin guddi balse ay shakhsiyaad iskood u sameeyeen. Astaanta calanka ayaa iyana la isku soo qaaday in la sameeyo balse dib ayaa loo dhigtay, si dhinac la isaga dhigo hawlaha xisbiga horyaala.

Degaanka Ismaamulka Somalida ayaa u baahan isbadal wayn oo dhinac walba ah, oo uu ugu horeeyo dib u habaynta dastuurka dawlad degaanka Somalida, si looga gudbo isku qabqabsiga dhinaca maamulka.

Degaanka Somalida Somalida oo ka mid ah 9-ka Ismaamul ee ay ka kooban tahay dawlada fadaraalka ah ee Itobiya, ayaa hadana degaan waliba waxaa uu leeyahay dhaqan iyo astaamo u gaar ah oo lagu aqoonsado. Astaamahaasi waxay u taagan yihiin jiritaanka ummada degaanka Somalida.

XDSHS ayaa madaxweyne ku meel gaadh ah u doortay Cabdi Maxamed Cumar xili aan la cayimin, isla markaasna u doortay ku xigeenka xisbiga. Gudoomiyaha xisbiga ayaa waxaa mar labaad dib loogu doortay Cabdifatax Sheekh Cabdulahi.

Waxaa aanaan wali helin 47 xubnood ee golaha dhexe ee xisbiga, waxaanse helay 13 xubnood ee guddiga fulinta.

Waxaa ay su,aali ka taagan tahay waxa ay qabtaan 184 xubnood ee Baarlamaanka oo iyagu leh xaga sharci dajinta iyo waliba wax ka badalka. Xubnaha baarlamaanka ayaa si toos ah waxaa looga soo doortaa degmooyinka uu ka kooban yahay Ismaamulka Somalidu.

Magacyada Guddiga Fulinta iyo gobollada ay kasoo kala jeedaan ahaa ah:

1. Cabdifataax Sheekh Cabdullahi (Jigjiga) Gudoomiye
2. Cabdi Maxamed Cumar (Qoraxay) G/Kuxigeen
3. Maxamed Isaaq Ibraahim (Liibaan) Xoghaye
4. Cabdi Xuseen (Sonkor) (Godey) Xubin
5. Dr. Axmed Sheekh Maxamed (Godey) Xubin
6. Dr. Suldaan Wali (Fiiq) Xubin
7. Cabdiraxmaan Guray (Dhagaxbuur) Xubin
8. Cabdisalaam Axmed (Shinnile) Xubin
9. Adan Faarax (Diridhabe) Xubin
10. Cabdifataax Shaale Shariif (Liibaan) Xubin
11. Maxamed Faarax Faalug (Wardheer) Xubin
12. Axmed-Deeq Maxamed Cabdi (Jigjiga) Xubin
13. Ubax Adan (Haweenka) Xubin

Magacyada 5 Xubnood oo loo magacaabay Guddiga Baadhista iyo dabagalka ee wasaaradaha;

1. Ibraahin Maxamuud Axmed
2. Cumar Cabdi Maydhane
3. Maxamed Shariif
4. Cabdiwahaab Rashiid
5. Ilyaas Abiib Muxumed

Gudiga dabagalka iyo Badhista

47 xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha dhexe ee Xisbiga ayaa iyana ay magacyadoodu sidan yihiin;

1. Cabdi Maxamuud Cumar
2. Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi
3. Aadan Faarax
4. Maxamed Cumar Xuseen (Dirir)
5. Badal Xiis Maxamuud
6. Cabdi Xuseen Cabdi (Cabdi Sonkor)
7. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed
8. Maxamed Rashiid Isaaq
9. Farxaan Xuseen Cabdi
10. Dr Axmed Sheekh Maxamuud
11. Khadar Cabdi Ismaaciil
12. Faadumo Maxamed Xirsi
13. Ubax Aadan
14. Cabdi Bade Cusmaan
15. Faaduma Maxamuud
16. Cabdifataax Shaadle Shariif
17. Cabdulaahi Maxamed Mowliid (Gizile)
18. Maxamed Axmed Deeq
19. Axmed Maxamed Shugri
20. Axmed Shide
21. Cabduqaadir Cumar Nuur
22. Rashiid Xaaji Maxamed
23. Faarax Jaamac Yuusuf
24. Maxamed Cali Saadiq
25. Madoobe Macalin
26. Dr Cabdi Maxamed
27. Ibraahin Yuusuf
28. Cabdirisaaq Cali Jaamac
29. Mukhtaar Sheekh Maxamed
30. Maxamed Cumar Axmed
31. Cumar Xaaji Ibraahin
32. Dr Suldaan Wali
33. Axmed Deeq Maxamed Cabdi
34. Dr Cabduqaadir Iimaan
35. Maxamed Nuur Geedi
36. Mahdi Cige
37. Mowliid Hayir
38. Guuleed Cali
39. Cabdisalaan Axmed
40. Cabduqaadir Maxamed Faarax
41. Cali Cumar Axmed
42. Cabdulaahi Xaaji Cabdi
43. Badri Yuusuf
44. Maxamed Cabdi Jaamac
45. Mahdi Cabdule
46. Axmed Nuur
47. Maxamed Faarax

rasaas.com