Xigmad Siyaasadeed oo u Caqli Celinaysa Jwxo-shiil iyo Adeegayaashiisa

 

“Ogadeen meel maag aas leeyahay maantana Axmaaraas maagay 1977” Sidaasi waxaa yidhi caaqil reer Geedow ah, oo degaankiisu yahay Qalaafe, kolkii uu socday dagaalkii la yaabka lahaa ee sanadkii 1977.

Aduunku sidan uu maanta yahay iyo isdhexgalkani ma jirin, tiknoolajiyadan aad maanta wax walba daqiiqda ku ogaana ma jirin. Marka Caaqilka reer Geedow xiligaas waxaa uu arki jiray 200 oo Ugaas oo nin waliba Fatuurad cad wato, Balabaadyo badan, Beeldaajiyeyaal aan xisaab lahayn, Qayaashmaashyo shaadhadh qurxoon qaba iyo Koofiyad dhuub badan oo Ogadeen ah, iyo waliba dadka qoryaha wata ee miyiga iyo ceelasha jooga oo kuligood Ogadeen ahaa, arintaas ayaa ka keentay xigmada. Waxaa kale oo muuqata in Caaqilku uu aad u dabeecad yihiin, dadka ay isku dagaanka yihiin ee uu waliba ganacsigu ka dhaxeeyey.

Caaqilku, waxaa uu jeclaa in uusan dhicin dagaalkii 1977, madaama oo uu ahaa Beeraleey, waxaa uu aaminsanaa in hadii ay colaadi dhacdo uusan beerta abuuran karin, hadii ayna beeri u bixina ayna noolaanaynin qoyskiisa iyo ehelkiisuba. Waxaa uu aaminsanaa in dagaalka uu Ogadeenku wado, wuxuuna damcay in Ogadeenku dagaalka joojiyo, arbuu wax la hadlaba waayey “erya erya” mooyee, xitaa Ideecadihii ayaa ku dhawaaqaya “Ala minigiste waa gambiyan yahayeey.”

Muddo gaaban ka dib Caaqilku, waxaa uu arkay Xabashidii uu islahaa aduunka iyada ayaa u xoog badan, oo taangiyadeedii la gubay, diyaaradaheediina la soo daadiyey, ciidankeediina uu maykoodii meel walba wadhan yahay, kolkaas ayuu is yidhi Ogadeen meesha uu u maago hawl buu ka qaban, waana arin dhab ah.

Hadaba, anigu maanta waxaan cuskanayaa oo aan rumaysnahay xigmada Caaqilka reer Geedow ee odhanaysa “Ogadeen meel maag aas leeyahay, maantana Xabashaas maagay” waa dhab wayna hirgashay, waxaanse Odhan lahaa “ogadeen meel maag aas leeyahay, maantana Nabad aas maagay.”

Hawl walba waa xiligeeda sanadkii 1992, “onlf kaan rumaynin kaan raacin in hirgalin rugtiyo raaskayno joogno in laga ruqseeyo weeye.” Nin wayn waxaa loo baahan yahay in wax uu arko uu wax ku qaato, waa haduu caaqiibo leeyahay.

Maanta waxaa muuqata in dhalinyaradii la jeclaa ee loo qadi jiray, kolka ay reeraha yimaadaan in maanta la qabanayo oo qoryahana laga qaadanayo.

Maanta waxaa muuqata in kolkii wadahadal nabadeed ay ONLF ku dhawaaqday ay dadkii sugi kari la,a yihiin inta uu heshiiska nabadu ka dhamays tirmayo, waxaana kala qaadi la,a dadkii gude iyo dibadba magaalooyinkii.

Magaaladii Jijiga waxay qaadi la,a dahay dadweyne dibadaha ka yimid, oo iska-daa kuwii dalka ku dhashaye, waxaa la xajin la,a yahay dad aan waligood indho saari.

Kolka waa muhiim in arintaasi ay Jwxo-shiil, qaniciso oo uu iska daayo arki jiraydoonimada, lafihiisana badbaadiyo oo uusan dhiig kar ugu dhimanin.

Xuseen Budul Dhubad

rasaas.com