Xidig Waa Xildhibaan Somaliyeed, Xaar-mataan Halgan Xeerinmaayo Xag Kaluu ka Socdaa.

 

Sheeko yaab leh oo ka dhacday Maraykanka, waxaa dhibaato weyn ah in aad garan waydo wax aad tahay, dabadeedna wareer daraadii aad aado maalinba meeshii ay daruuri ka hoorto sida Jwxo-shiil.

Wasiirudawlaha wasaarada arimaha gudaha Somaliya ee maanta Cabdirashiid Maxamed Xidig, asal ahaan waa reer wardher waxaana ku dhagan sumada eber[zero], inkasta oo uu wasiir Somaliyeed yahayna warqad ay Itobiya u jaxaastay ayaa jeebka hoose ugu jirta. Sumadaha ay somalidu kala leedahay waa caan waana la isku baadi soocaa, dambina ma aha ee waa wax caadi ah oo la isku garto, biyo batalaqsiguna waligeedba wuu iska jiray.

Huuno noo cadee warka ha dadine; wasiirudawlaha dawlada meel ku gaadhka ah ee Somaliya Xidig oo ah nin haysta dhalasho dal reer galbeed ah, ayaa booqday dalka Maraykanka, madaama ayna jirin safaarad dawlada Somaliyeed, waa wax caadiya in kolka uu masuul Somaliyeed safar ku tago dalalka galbeedka in ay beeshiisu soo dhaweeyaan oo ay marti galiyaan.

Xidig waxaa uu tagay Minneapolis dabadeedna odayaasha beesha uu baarlamaanka ugu jiro waxay jeclaysteen in la sooryeeyo xidig lana siiyo xoogaa gacanqabsi ah, maadaama dibadaha laga maalgaliyo masuuliyiinta Somaliyeed ee socdaalka ku taga dalalka galbeedka.

Somalida qaxootiga ku jooga dalalka oo ah kuwa ugu hantida roon ayaa dadaal badan ka gaysta wax u qabashada gabaladii ay ka yimaadeen. Dadka Qaxootiga ku tagay dalalka galbeedka ee asal ahaan ka soo jeeda dhulka Somalida Ogadeeniya, ayaa awal hore xaabayn jiray dabka ku shidan dhulka Somalida Ogadeeniya eeggase dareemay in ay jwxo-shiilnimo jirto jarayn xaabadii.

Taladii iyo taban taabintii xidig tolkii siin lahaa waxaa is hortaagay Xuseen Mataan [xaar mataan], oo wasiir cadaaladeed mar Somali ka noqday eegase ka tirsan kooxda Jwxo-shiil. Xuseen Mataan waxaa uu Xidig ku naqdiyey wuxuu saaxiib la yahay Itobiya, aniguse uma arko ee waxaan u arkaa aniga oo duq ah maxaa masuul la iiga dhigwaayey. Nasiib daro odayaashii beesha balaadhan ee Xidig, waxaa ka awood batay bahda jwxo-shiil, oo ka dhaadhicisay in aan lala tashan waxna la tarin Xidig. Xidigna isaga oo aan ruuxna ka arkin dadkiisa deganaa Minneapolis ayuu gabal kale aaday.

Xigid waa masuul oo lagama maarmee gabalkii kale ee uu tagay, jwxo-shiil ayaa dib kala soo hadlay kooxdiisii odayaasha ahaa ee uu Xaarmataan horgalka u yahay, waxaana loo sheegay bal in ay arkaan hadii uu Xidig heshiis ka qalqaalin karo Itobiya. Xidig isaga oo aan xanaaqin ayuu kulankii yimid wuxuuna u sheegay odayaashii “waxaan ahay masuul Somaliyeed Itobiyana saaxiib baan nahay, waxa aad sheegaysaana ma aqaano ee maxaa kale oo aad doonayseen.”

Odayaasha intooda badan waxay ahaayeen ciidamadii Somaliya, intii Somaliya laga soo cararayna waxay joogeen Kaalinka 5aad oo qaarkood ayaa masuul ka noqdeen, qaarna waa reer Kenya oo fasax walba waxay tagaan Kenya. Hadii ay Somaliya dawlad rasmi ah ka dhalatana Somaliya ayey aadi, eegga kuligood jwxo-shiil bay qaaraanka u uruuriyaan oo ay la qaybsadaan.

Dadka noocaas ah waa su,aale xagee bay leeyihiin, yey saaxiib u yihiin, yaa aamin kara, waxaan qabaa ruux wareersani waxwalba wuu samayn, la yaabna ma leh.

Halgan bi,is aan mabaa,dii lahayna waligii wuu jiri jiray, cidii jecel in ay halganka Somalida Ogadeeniya wax ku biiriso, kolka ugu horaysa waa in ay ka dhex baxaan qabyaalada iyo qoys ku taageerka halganka, waana in dhabta laga sheego mabaa,diida ururka ONLF.

Looma baahan ku dawarsi iyo kala qaybin umadeed, niska horena tuug niska dambena N/hure waa arimaha eber ee aan ka gudubka lahayn.

Xidigna in la xaalmariyo xaal buu u lahaa, 70 jirka towbadkeenka ahna waa xilgii aan towbada laga aqbalaynin. ONLF- waxay sugi xal ummada mideeya si mar kale uu halganku hore ugu dhaqaaqo.

Arimaha bulshada
rasaas.com

rasaas baa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo.