Xerada Qaxootiga ee Doolow Cade oo ay Dani Gaysay Dadweynaha Degaanka Somalida Ethiopia

 

Dolow Cade oo ay ku qulqulayaan dad badan oo ka cararaya Abaaraha ka jira degaanka Somalida Ethiopia [ogaden], xili uu kaalmo badan aduunku ugu yaboohay dadweynaha ku nool Geeska Afrika, balse ayna wali koobo ka gaadhin gabalka Ogaden.

TV-yada caalamka ayaa habeen iyo maalin waxay baahinayaan Abaarta ku dhufatay geeska Afrika, gaar ahaan Somaliya iyo Ethiopia. Aduun weynuhu wuxuu si aan caadi ahayn u harqinayaa lacago iyo cunto loogu talo galay in lagu badbaadiyo dadka ku darxumaysan geeska Afrika.

Kenya waxaa ka furan xerada ugu weyn aduunka oo ay ku jiraan barakacyaalka Somali ah, xerada waxaa la sheegaa in ay ku jiraan dadka ka soo qaxaya Jamhuuriyada Somaliya, laakiin waxaa kale oo xerada ku jira dad ah Somalida Kenya iyo Somalida Ethiopia. Dadka Somaliyeed ee ku nool Kenya iyo Ethiopia oo iyaga laftigooda saamaysay abaarta Geeska Afrika helina wax qabadkii ay u baahnaayeen.

Hayadaha samafalku waxay si isku mid ah u sheegaan in dadweynaha ku dhaqan geeska Afrika ay ka siman yihiin baahida ay abaartu keentay. Laakiin waxay ishu aad u qabataa dadka Jamhuuriyada Somali, sababtuna waa iyada oo ayna wax dawlad ah ka jirin dalka Somaliya mudo 21 sano ah.

Dadweynaha ku nool qaar ka mid ah gabalada degaanka Somalida Ethiopia, ayaa si xawliya ugu qulqulaya xerada qaxootiga magaalada Doolow Cade ee gabalka Libaan, maadaama ay xeradu tahay meesha ugu dhaw ee ay ka heli karaan ciirsi nololeed.

Gabalka Ogaden ayay mudo dheer haysatay gaajo ay keentay colaadii gabalka ka jirtay, taas oo ay in badan isku af dhaafsanaayeen dawlada Ethiopia iyo Hayadaha gargaarku, waxayna hayaduhu ku eedayn jireen dawlada in ayna dan ka lahayn dadweynaha ku nool gabalka Ogaden.

In kasta oo muddo sanad ah laga joogo markii ay heshiis nabadeed wada gaadheen Jabhadihii hore dagaalka uga waday gabalka iyo dawlada Ethiopia, lana filayey in xaalada gabalka Ogaden uu isbadal nololeed ku iman doono.
Waxaa wali ay qaylo xoog leh oo ku saabsan nolosha dadweynaha gabalka Ogaden ka soo yeedhaysaa qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka iyo hayyadaha gargaarka, waxayna sheegayaan in ay wali gabalka ka jirto baahi badan oo ayna waxba ka qabanayn dawladu.

Ideecada BBC-da iyo dawlada Ethiopia ayaa isku af dhaafay warbixin laga sii daayey Telefiishinka BBC-da, in kasta oo ay dhawaan magaalada Jijiga ee degaanka Somalida ay tageen wufuud ka socota Qaradamad midoobay iyo safiiro ka socda dalalka awooda badan.

Su,aasha isweydiinta leh ayaa waxay tahay waa maxay sababata dawlada Ethiopia loogu duraamanayo dadkeeda, maadaama oo maanta ayna jirin wax colaad muuqata ah oo ay dawladu marmarsiinyo ka dhigan karto.
Waxaa kale oo aan jirin hayn la,aan dhinaca dawlada ah, waayo aduun weynuhu wuxuu diyaar la yahay lacago iyo cunto loogu talo galay abaaraha gabalka Ogaden, kuwaas oo u baah oo kaliya gaadhsiin.

Iyada oo ay gabalka ka jirto Abaar xun, ayaa waxaan wali muuqan wax gacan ah oo gaadhay dadweynaha nool gabalka meesha ay doonto ha ka timaado gacantaasiye, marka laga reebo Hayyada SAAD, oo dhawr magaalo wax ku saydh saydhay.

Waxaan eedan ka baxsan karin qurbo joogta u dhalatay gabalka oo ku qaybsamay colaadii ka jirtay gabalka Ogaden, ayna adag tahay in xiligan ay weel mid ah wax ku ridaan.

Si kastaba arintu ha ahaatee, Aqoonleyda iyo dadweynaha gabalka u dhashay ee ku nool dibadu waxay jecel yihiin in ay arkaan dawlada Ethiopia, oo daryeelaysa dadweynaha ku nool gabalka Ogaden ee ay dhibaatadu daashatay.

rasaasa.com