Xeebta Waqooyi Galbeed Somaliya [somaliland] ee Soo Caariday Xagay Dhigtay Xaabadii?

 

“Adeerayaalo Ilaahaybaa Igu Ogg, oo arinkan waxba kama oggi Eritrea ayaa uruursatay dad Tahriibayaal ah iyo Qaxooti dalkeeda jooga” Sidaas waxaa ku Jawaabay Jwxo-shiil, kol ay su,aalo badan waydiiyeen dad Ehelkiis ah.

Sida aynu la socono, waxaa todobaadkii ina dhaafay dhacday arin aan la filaynin, oo keentay dhimasho dhalinyaro u dhalatay dhulka Somalida Ogadeeniya. Arintan oo aan filayo in ay noqon doonto dhimashadii ugu dambaysay oo ku dhacda dadka Somalida Ogadeeniya. Waxaanan filyaa in eedeedda aan lala wadaagin Jwxo-shiil iyo inta ku taageerta fool xumooyinka ku dhaca dadka Somalida Ogadeeniya gudaha iyo dibada.

Waxaan Jeclahay in aanu qormada maanta ku qaadaa dhigno, waxa ka run ah in 200 oo ciidan ah oo taageera Jwxo-shiil, ay ka soo caarideen xeebaha waqooyi galbeed Somaliya?
Maamulka Waqooyi galbeedse [somaliland] wax ma kala socdeen arinta, hadii ayna la soconin yaa la socday?
Jwxo-shiil iyo kooxdiisu afka way ka beeniyeen Internetkana way xaqiijiyeen in ciidan xeebaha uga soo degay, sidee wax u jiraan? Arinta ciidankan ka soo degay xeebta waqooyi galbeed yay saamaynaysaa?

Aynu ku bilownee waxaa barayahanba u dhaxeeyey dawlada iyo Jabhadaha hore uu dagaalku ugu dhaxeeyey wadahadalo nabadeed oo qaarna la kala saxiixday qaarna la sugayo in la kala saxiixdo.
Dadweynaha Somalida Ogadeeniyana badankoodu in yar mooyee waxay taageerayaan nabada.

Hadaba kolkii la sheegay in ay soo baxday in 200 oo wiil oo taageersan Jwxo-shiil, laga soo diray Eritrea lagana soo dajiyey xeebaha Waqooyi galbeed Somaliya [somaliland], ka dibna kuligood la laayey. Waxaa su,aalo waydiiyey Jwxo-shiil, dad ay ehel yihiin oo hore u taageersanaa, maxaad wiilasha u laysay? Jwxo-shiil, kitaab buu baalaha gooyey in uusan waxba kala soconin wiilasha la sheegay in xeebta lagu daadiyey.

Waxaana socota oo la xaqiijinayaa in ay Eritrea, ay tagaan dhalinyaro Somaliyeed oo tahriibdoon ah iyo kuwa ay khaldaan sirdoonka Eritrea, iyaga oo u sheega in ay dalkooda degan yihiin Qaxooti badan oo ka yimid Itobiya iyo Somaliya bil walbana ay UNCHR ka qaado dad dalka Eritrea.

Dhalinyaradan waxay badankoodu ka yimaadaan Sudan iyo Jabuuti, kolka ay galaan Eritrea, shanqadhooda waa la waayaa. Xukuumada Eritrea ma ogola in ay ka soo baxaan dadka Qaxootiga ah ee dalkeeda jooga.

Jwxo-shiil iyo kooxdiisa wayso umma dhawra!

Waxaan ognahay in Jwxo-shiil iyo kooxdiisa ayna wayso u dhawrayn, oo ayna dan iyo muraad toona ka lahayn dad iyo duunyo dhibaatada gaadha degaanka Somalida, xumaan kasta oo ka dhacdana ay iyagu ridaan kuna farxaan.

Awal hore dhibaatadu waxay ku ekayd reerka Ogadeen, oo eegga moodo in uu ka maydhanayo dhibaatada gaadhay dhawrkii sano ee ina dhaafay.

Kooxda Jwxo-shiil, dhaqdhaqii dhibaato ee ugu dambeeyey waxay dhabta u saartay beelaha Ciise Madoobe, Guda-biirsay iyo maaluka Somaliland oo hore uga badbaaday dagaaladii sokeeye ee Somaliya. Dhibaatadan horta leh waxaa wada Riyaale Xaamud, oo kaligii beesha Ciise kaga biiray kooxda Jwxo-shiil, xili aan fogayn kolkii uu jago ka waayey Ismaamulka Somalida, si gunna ahna ay kooxda Jwxo-shiil, waa dhaw ku gaysay dalka Sweden.

Dhaqdhaqaaqa Kooxda Jwxo-shiil, wuu ka soo dhamaaday gabaladii ay hore u dhibaatayn jireen. Waxaana la sheegay in ciidan 200 ah maamulka Somaliland ay damceen in ay u gudbiyaan kooxda Jwxo-shiil, si ay dhib hor leh uga abuuraan Ogadeeniya. Sida la sheegay ku tala galka kooxda Jwxo-shiil, ayaa ahaan in ciidankan loo qaybiyo dhawr madax, kuwaas oo la rabay in lagu rabsho shirarka nabada ee la sugayo in ay dhwaan ka dhacaan gudaha dhulka Somalida Ogadeeniya, hadii ay suuro gashana lagu khaarajiyo Eng. Salaxudin.

Ciidanka Soo Caariday Yaa Waday.

Laba arimood midkood ayaa jira; in maamulka Somaliland oo dhawaanahanba lagu xamanayey in ay ka xumaadeen nabada ka dhacday dhulka Somalida Ogadeeniya ay jecel yihiina in ay taageeraan nabad diid Jwxo-shiil. Dawlada Itobiya iyo maamulka cusub ee Waqooyi galbeed Somaliya [somaliland] xidhiidhkoodu ma fiicna, waxayna u badan tahay in maamulku maleegay arintan oo uu doonayo in uu tuso Itobiya in cadowgeedu uu kaga iman karo Somaliland.

Riyaale Xaamuud, ayaa waxaa uu la xidhiidhay odayaal ciise ah iyo guda-biirsay oo wada degan xeebta la keenay dhalinyarada, waxaana uu ka dhameeyey in dhulkooda ay mariyaan dhalinyaro Ogadeen ah oo raba in ay dhulkooda gubaan.

Arintan maamulka Somaliland wuu la socday, wuuna is dhagoolaysiiyey, wuxuuna hadalkoodu ku beegnaa xiligii ay islahaayeen ciidanku waa galbaday, laakiin hawsha waxaa fulinayey dad ka socda labada beelood.

Ma Dhab in Ciidan Taageersan Jwxo-shiil, ka soo caariday Xeebta Waqooyi Galbeed?

Sida la sheegay ciidanka soo caariday oo tiradooda mar lagu sheegay 204, marna 240 cidi kama samato bixin marka laga reebo afartameeyo maxaabiis ah, waana sida uu sheegay madaxweynaha Ismaamulka Somalida Itobiya. Dawlada dhexe ee Itobiya ayaan iyadu marna ka hadlin arimaha ciidankan la sheegay in ay Somaliland soo dhuumisay. 123 ka mid ah ciidanka ayaa waxaa lagu dilay goob kaliya, 90 kale ayaa dhimasho qarka u saaran.

Masuuliyada dhimashada wiilashan ayaa waxaa leh Jwxo-shiil, oo uu sii fuulidoona eedihii uu hore Ogadeenku ugu haystay. Waxaan qabaa in hadii markii ugu horaysay ee la sheegay in lagu hareeraysan yahay ayna inkiri lahayn kooxda Jwxo-shiil, in ay wiilashaasi badbaadi lahaayeen.

Ina-dhuubo [aw cadaani], waxaa uu ideecada ka sheegay in aan wax ciidan ah xeebta Somaliland uga soo degin. Waxaa kale oo uu sheegay in dhulka Ogadeeniya ay maalin walba 7 dagaal ka dhaco ugu yaraan, hadalkaas oo runta ka fog dhinacna ka qiraya in uu dhamaaday ciidanka ay xeebta keeneen.

Arintan ciidanka xeebta ka soo caariday yuu saamayn karaa!

Marka kowaad waxay saamaynta ugu xooga badan ku dhici maamulka waqooyi galbeed Somaliya [somaliland], hadii ay la socdeen ciidankaas iyo hadii ayna la soconin labadaba, waayo waxaa dhamaaday aaminadii lagu qabay maamul gabaleedka Somaliland.

Mar labaadka, waxay saamayn ku yeelan ururadii nabada qaatay, saamaynta ugu yarna waa fidinta saxaafada ee ah in ay wali dagaalo ka socdaan dhulka Somalida Ogadeeniya, colaadaas cusub oo qarin karta nabada. Waana arinta dhabta ah ee cidii doontaa ha dhimatee ay kooxda Jwxo-shiil ugu talo gashay in ay mar si baahsan u galaan saxaafada [in kasta oo uusan qoraagu aaminsanayn in waxa dhacay uu u jiro sida loo sheegay].

Sadexdii bilood ee uu ururka ONLF, ku dhawaaqay xabad joojinta ma jirin wax dagaal ah oo dhacay, waxaana meesha ka sii baxaysay arintii ahayd nabad galiyo xumo ayaa ka jirta dhulka Somalida Ogadeeniya.

Ugu dambayn ciidanka ka soo degay xeebta Somaliland wuxuusan farxad galinaynin dawlada Itobiya waxaana jira kara shaki ah in xukuumada Eritrea ay wali wado arimihii doco docaynta ahaa ee ay xeebaha Somaliya hubka soo marin jirtay, si ay u dhibaatayso Itobiya.

Gabagabada

Hadaba, dawlada Itobiya si ay u xakamayso xumaanta ka imanaysa Eritrea ee timid xeebaha Waqooyi galbeed Somaliya [somaliland], waxaa la gudboon in ay xoojiso niyada Jabhadaha nabada qaatay, dar darna galiso heshiisyada socda iyo dadweynaha Somalida Ogadeeniya ee jecel nabada. Dadweynaha Somalida Ogadeeniya oo niyad sami ka hela dawlada waxaa xaqiiq ah in ay cagta marin cid kasta oo xumaan ku samee is leh dhulka Somalida Ogadeeniya iyo Itobiya.

Dib u dhac iyo caajis ku yimaada wadahadalada Nabada ee u dhaxeeya dawlada iyo ururka ONLF, waxaa uu keeni karaa caajis gala dadweynaha siiba qurba joogta, taas oo keeni karta in wadooyin kale ay furmaan.

Waxaa lama huraan ah in uu isbadal ka dhaco Waqooyiga Somaliya [somaliland], isbadalkaas oo aan ka hor imanaynin danaha dadweynaha Itobiya.

Jiritaanka kooxda Jwxo-shiil, waxaa uu ku xidhanaandoonaa sida uu u xooganaado heshiiska dhexmara dawlada ferderalka ah iyo ururka ONLF ee nabada qaatay. Wadahadalada Nabada ee uu qaatay ururka ONLF, oo lagu xawilo Ismaamulka Somalida Itobiya, wax weyn keenimaayo.

rasaas.com