Xays Koox Leh oo ka Da,ay Degmada Godey

 

Roob hor dhac oo ka da,ay degmada Godey, ee gabalka Shabeele, iyada oo abaar dheer oo aan miciin lahayn  ay ka jirto guud ahaa gabalka Geeska Afrika, gaar ahaana gabalka Ogaden.

Dadweynaha gabalka shabeele, ayaa aad ugu farxay roobkan xayska ah, xili aan la gaadhin roobkii guga. Roobka xayska ayaa badanaaba ka soo hor mara roobka guga inta aan xiligiisa la gaadhin. Roobka xayska ayaa astaan ah u saban fiican, sababta oo ah waxaa dheeraan doona xiliga lagu jir guga.

Roobka xayska ayaa badanaaba waxay da,aan sabanada ay jirto abaarta xun jirta, Eebe weyne amarkii.

Roobka guga ayaa da,a bilaha June iyo August, roobkan xayska ayaa ka dhiga xiliga doogaada 5 bilood oo roob ah.

Dadweynaha gabalka oo ku jiray abaar iyo oon, ayaa roobabka xayska kaga raysandoona dhibaatadii haysta.

Gabalada kale, ee dalka ayaa waxaa ka jirta roobdoon, waxaana la filayaa in uu ka di,i doono roobka xaysku.

rasaasa.com