Xassan Sheekh Maxamud oo Xalay ka Dhoofay Ingriiska

 

Madaxwaynaha taagta daran ee Somaliya oo booqasho ku tagay dalka Ingriiska, ayaa canaan dusha laga saaray loona sheegay in uu dib ugu laabto dalkiisa lana heshiiyo maamulada dalka ka jira.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, oo R/wasaaraha Ingriisku ugu yeedhay kulan gaar ah ayaa aad loogu canaantay siyaasad xumo iyo kasban waa dadka Somaliyeed oo xiligan baahi u qaba dawlad wanaagsan.

R/wasaaraha Infriiska ayaa ku yidhi “waanu ku khasaaray taageeradii aan kuu muujinay,” waxaanan kugula talinaynaa in aad joojisid siyaasada qaybinta ah ee beelaha Somaliyeed.” “ waxaanu ilaa hada garan la,anahay xidhiidhka ka dhaxeeya dawladaada iyo Alshabaab.”

Ingriiska ayaa aad u buun buunisay dawlada Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ogaatay in Dawlada Xasan Sheekh Maxamuud ayna dagaal kula jirin Al shabaab, balse ay dagaal kula jirto maamulada nabdoon ee ka jira Somaliya. Arintaas oo xanuunkeeda leh dibna u celinaysa aamin daradii 23 sano u dhaxaysay beelaha Somaliyeed, taas oo aan xiligan loo baahnayn.