Xaflado iyo Dabaal Dagayo Lagu Qiimaynayo Sanad Guurada Jwxo, oo Lagu Qabtay Dalal Badan

 

10475338_479414182161153_9150767347923365589_ngeenyadu ma daalan, ma af abeelin gamaskii, xorimadi ma gaagixin, waa gabaabsi xabashkii,

Taageerayaasha iyo Jaaliyadaha Somalida Ogadeeniya ee ku nool dalalka dibada ayaa muujiyey taageero balaadhan oo ay u hayaan halganka ay wado Jabhada wadaniga xoraynta Ogadeeniya.

Taageerayaasha iyo Jaaliyaadka ayaa si wayn ugu dabaaldagaya sanad guurada 30-aad oo ku aadan aas aaska Jwxo, August 15, 1984.

Shacabka Somalida Ogadeeniya oo baahi wayn u qaba xoriyada ay ka helaan Atoobiya, ayaa muujiyey adkaysi 30 sano oo xidhiidh ah xabad socota, iyaga oo aan haysan taageero gacan saddexaad.

Adkaysiga shacabka ee ka midho dhalinta xoraynta Ogadeeniya, waxaa markhaati u ah dabaal dagyada xamaasada leh ee ay ku qabanayaan shacabku dacalada dunida, xili gumaysigu is leeyahay Jwxo waad ka adkaatay.

Labadii maalmood ee ugu dambeeyey waxaa xusas lagu qabtay dalal ku yaal qaarado kala duwan sida; North America, Europe, Asia, Australia iyo Africa. Wadamadaas oo ay ku nool yihiin dad badan oo ka cararay cadaaddiska ay Atoobiya ku hayso dadka Somalida Ogadeeniya.

Dabaaldagyadani waxay ugu bishaaraynayaan Jwxo halganka, waxayna u muujiyey taageero iyo in ay xoojiyaan halganka, waxayna quus u tahay gumaysiga Atoobiya iyo inta garab socota.