Xadhiga Ugaas Maxamed Dulane Waa Dulmi Cad oo Aan Loo Dulqaadan Karin

 

Menneapolis, Mar 14, 2012 [ras] – Kulan aad u wayn oo aan siyasad shaqo ku lahayn laggagana soo horjeedo dulmiga uu ku xidhan yahay Ugaas Maxamed Ugaas Duulane ayaa ka dhacay Minneapolis.

Kulankaas oo ay soo qaban qaabiyeen qurba-joogta u dhalatay degaanka Somalida Ethiopia, kana soo qayb galeen waxgarad aad u badan, ayaa lagu cambaareeyey xadhiga iyo xad gudubka loo gaystay Ugaas Maxamed Duulane. Canbaaraynta Xariga Ugaas Maxamed Duulane [jwplayer mediaid=”6410″]

Waxaa kale oo kulanka ka soo qayb galay ururada nabada qaatay ee degaanka Somalida Ethiopia, oo aad uga xun xadhiga Ugaas Maxamed Dulane  iyo waliba codsiyo ay gaadhsiiyeen dawlada degaanka oo la iska indho tiray.

Arinta xadhiga iyo hab dhaqanka masuuliyiinta dawlada degaanka ayaa dhabar jab weyn ku noqonaysa nabad galiyadii ka dhacday degaanka Somalida Ethiopia.

Ugaas Maxamed Ugaas Duulane oo ay da,adiisu tahay 87 jir, waxaa mudo ku xidhan yahay magaalada Jijiga, sababo aanay wali cadayn dawlada degaanka Somalida Ethiopia.

Waxaa dhab ah in Ugaas Maxamed Ugaas Duulane uusan ahayn ruux siyaasad shaqo ku leh, xadhigiisuna uu xad gudub yahay, marka laga eego dhinaca dhaqanka Somalida iyo bi,inaadanimada.

Madaxweynaha dawlada degaanka Somalida oo ay dhawaan Ideecada BBC-du su,aal ka waydiisay  xadhiga Ugaaska ayaa bixin jawaabay qancisa dadweynaha degaanka Somalida Ethiopia.

rasaasa.com