Xaalada ay Maanta ku Suggan Tahay ONLF

 

Qormadan waxaynu maanta ku eegaynaa xaalada ay ku sugan tahay ONLF, oo ahayd tii ay dadweynaha Somalida Ogadeeniya u idmadeen in ay wado halganka ummada. Halganka Somalida Ogadeeniya oo ah halgamada ugu dhaadheer misna aan isagu biyo dhigin, ayaa waxay ceeb iyo caariye ku noqotay aqoon yahanka Somalida Ogadeeniya in ay ka jawaabi waayaan su,aasha ah muxuu halgankiinu la midho dhali la yahay, iyaga oo ka duulaya su,aashaas ayey heleen halganka Somalida Ogadeeniya waxa had iyo goorba habsaamiya awooda dalalka dariska ah sida dalka Somaliya oo isagu aan waligii lugta kala bixin qadyada Ogadeeniya.

Dhalinyaradu kolkii ay jawaabta heleen waxay kolkiiba bilaabeen in ay hirgaliyaan halgan ku abtirsada qadyada Somalida ay Itobiya gumaysato, waxayna heleen magac Jabhad loo bixiyo kii ugu qiimaha badnaa waa “Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya oo loo gaabiyo Jwxo”. Ummad aan aqoon yahan hormarin aduunkan aan maanta s joogno wanaag ma gaadho, waxayna ku dambaysaa dib u dhac iyo duuflaal, dhaliyaradii Aqoonyahanka ahayd ee intay aduun meel iska dhigeen u guntada sidii ay dalkooda iyo dadkooda uga xoreyn lahaayeen gumaysatada Itobiya, ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Siraad Dolal.

Fikirka caafimaadka qaba dadweynuhu way soo dhaweeyaan, waxaana ay dadweynaha Somalida Ogadeeniya mar wada liqeen fikirka ah; dalka inagaa leh, dal walbana dadkiisa ayaa xoraysta, suurto gal ma aha in dadkale uu kuu xoreeyo dalkaaga deedna uu ku yidhaahdo qabso. Fikirkaas waxaa qabay dhalinyaradii aqoonta lahayd ee talaalay ururka ONLF.

Iyada oo kooban kobta aynu gaadhnay waan ogayn iyada oo ayna jirin cid kaalmo nasiinaysa dadweynaha Ogadeeniya mooyee, waxaa lacagta iyo marti galiyada iyaguna nagu garab taagnaa walaalaha Somaliyeed ee aan dariska nahay. Inkasta oo ay colaado ka jireen Somaliya hadii lagu gardaroodo oo la dilo qaar ka mid ah naftood hurayaalka, waxay jabhadu kula xaali jirtay ummada Somalida ah, waad nagu khaladanteen cadow xabashiyeed baanu la dagaalamaynaa idiina jawaabi mayno, inta ay xishoodaan beelaha wax na gaadhsiiyey ay bixin jireen magta N/hurayaalka ay ku khaldameen.

Hadaba, intii uu yimi Janan Jwaxo-shiil, oo Eebahay amarkii uun Jabhada ku soo dhexgalay, waxaa isa soo tarayey maalinba maalinta ka dambaysa dhibaatooyin horleh oo aan hore Jabhada loogu aqoon. Jabhada ONLF, waxaa xaaraan ka ahayd in ay isu qaraabo sheegato ama isu qolo sheegato, ma jirin erayada, adeer, abti iyo ina adeer, waxaa jiray naftii hure iyo magaciisa oo la raaciyo. Waxaa markii uu yimid Jwxo soo galay erayda adeer iyo waa adeerkay, waxaa xigay rug hebla waxaan madax uga dhigay nin reer hebel ah, xubnihii Jabhada waxaa galay dareen iyo kala xigsasho.

Jwxo-shiil, oo ay ummada Somalida Ogadeeniya uun ku tixgalin jirtay darajada uu gaadhay ee Janan, ayaa waxaa uu ka mid ahaa dadka faraha badan ee dawlada u shaqeeya, shaqadiisana qabta iyo wixii loo diro, laakiin ma uusan ahayn nin fikir isku muujiyey ama wax abuuri kara, waa midaas mida keentay in uu daydaydo dad wax u sheega oo beel ahaan kula taliya.

Ma wada sheegi karo xumaatooyinka uu Jwxo-shiil halganka u gaystay, halgamaana waligii ma noqonin noqona maayo dhawrka sano ee cimrigiisa uga dhiman. Jwxo-shiil, waxaa uu colaad dhax dhigay dadka inagu hareersayna ee Somaliyeed ee ay Jabhadu biyaha ka qaadan jirtay, wuxuu joojiyey shuruucdii halganka lagu waday, wuxuuna wax ku xukumay xukun milatari iyo hoos u dil qarsoon isaga oo qabiil adeegsanaya.

Jwxo, waxay qaaday wado la mid ah midii ay qaadeen halgamadii isaga ka horeeyey, Itobiya kolkay aragtay in ay burburtay mabaadiidii xooga badnayd ee uu ururka ONLF ku soo jiidan jiray dadweynaha, ayaa waxay bilowday in ay ka faa,iidaysato, waxayna u baaqday N/hurayaashii ka cadhooday sharciga lagu tuntay iyada oo ugu baaqday in ay mushaar iyo nolol siinayso, waxaana halhaleel u soo galay magaalooyinka raxamo hore uga tirsanaan jiray ururka ONLF, waxaana loo furay tababro.

Wali Jwxo-shiil, waxaa lagu baryeye halgankii wuu burburayaa, hadhona si loo abuuro dad way adag tahay wax garo oo wanaaga yeelo “Doqonta usha agteeda ku dhufo hadii ay garan weydana goga u gali”, Jwxo-shiil, ushu kaligii kuma dhicin ee waxay ku dhacday dhamaan ummada Somalida Ogadeeniya, taariikh xumaduse waxay kali ku tahay Jwxo-shiil iyo awlaadiisa iyo waliba beesha uu ka soo jeedo oo ka qayb qaadatay burburka halganka, waayo ma ayna qabanin kolkii loo bandhigay.

Ciidamada ugu badan ee maanta uu leeyahay Kaalinka 5aad waxaaweeye ciidamadii Jabhada ee Eritrea lagu soo tabobaray iyo madaxdii Jabhada, waxaa baneeyey goobihii ay fadhiisimada ku lahaayeen ciidamadii ONLF, qaar badan ayaa waxay hubkoodii ula galeen Somaliya, waxaan dib isugu dhex abaabuli karin dalka Somaliya wax ciidan ah oo ONLF ah, waxaa kale oo aan iyaguna cagta dhigi karin dalalka dariska wax masuul sheegta oo ONLF, marka laga reebo garabka uu hogaamiyo Engineer Salaxudiin Cabdiraxman Macow.

Waxaa laga yaabaa in dad badani ay yidhaahdaan ninku muxuu sidaas u lee yahay, laakiin waa runta jirta qoraaguna waxaa uu sharxaa sida ay wax u jiraan si,aan loogu dagmin.

Waxaan dib oo dambe u dhicidoonin in ay ummada Somalida Ogadeeniya ugu doodo faragalin baa nalagu sameeyey, sidaas ayuuna halgankii ku burburay, mid way odhan karaan meesha uu dooniba ha ka yimaadee nin aan halgankaas la kicitimin laftigiisu waa shisheeye. Jwxo-shiil iyo Maxamed Siyaad Bare kolkii la kala fadilay ayuu khaladka ugu weyni ONLF, soo galay waana geedka keenay guuldarada ururka ONLF.

Arimaha Siyaasada
rasaas.com

rasaas baa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo