Wufuudii ONLF oo Addis Ababa ku Qulqulaya

 

Addis Abab, [Sept 23, 2010] – Waxaa dhawaan la filaya in uu qabsoomi doono shirweynihii 3aad ee ururka ONLF, oo ka dhicidoono Tuulada Garigo,an oo ka tirsan degmada Shekosh ee gabalka Qoraxeey.

Shirweynihii 2aad ee ugu dambeeyey ee ururka ONLF, ayaa waxaa uu ka dhaca Tuulada Bilcil-Ayaamo, oo ka tirsan degmada Shekosh ee Gabalka Qoraxey sanadkii 1998.

Ururka ONLF iyo dawlada ayaa waxaa u dhaxeeya wadahadal nabadeed, waana mid keentay in xubnaha ururka ONLF ay tagaan Addis Ababa, halkaas oo ay uga sii gudbidoonaan Tuulada Garigo,an.l

Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa si xoog leh uga soo degay garoonka Addis Ababa wufuud ONLF ah oo u diyaar ah in ay ka qaybqaataan shirweynaha 3aad ee ururka.

Waxaa kale oo iyana si aan caadi ahayn uga soo degaya garoonka diyaarahada ee Addis Ababa dadweyne badan oo isu diyaarinaya in ay ka qayb qaataan shirweynaha Qaran ee Qabridahare.

Waxaa habeenkii xalay ahaa soo gaadhay Addis Ababa, wuduuf aad u badan oo ka soo kicitimay dadlweynaha Maraykanka gaar ahaan dawladaha Ohia, San Diego iyo Minneapolis. Wufuuda ka timid Maraykanka ayey tiradoodu ahayd 35 ruux, walina waxaa soo socda labanlaabka tirada xalay timid.

Wufuudan ayaa waxaa soo dhaweeyey xubno ka tirsan gudiga qabanqaabada ee nabada, waxaana saaka qaabilay waftiga gudoomiyaha Jabhada Salaxudin iyo afhayeenka Jabhada ahna gudoomiyaha qabanqaabada nabada Maxamed Colow [dhagjar].

rasaas.com