Wiil lagu dilay Qabri-Dahare & 12jir Toga ku dhintay

 

Warka naga soo gaadhaya,gobolka Qoraxeey, gaar ahaan magaalada Qabri-Dahre in maalintii Axada 24.05.2009, lagu aasey magaalada wiil 19 jir ah, qiyaastiina ay si ula kac ah dil u gaysteen qolada la yidhaahdo New polis, Marxuun oo lagu magacaabo Mahad Maxamed Dariiq.

Alle ha u naxariisto marxuunkaas oo ay gacan ka xaqdaran dishay, dhacdadanina waxay ka mid tahay dhibka lagu hayo shacabka Somaalida Ogadenya, oo kolba gumaysigu tab ku dilo.

Waxaan Ilaahay ka baryeynaa in Marxuunka Janadii Far ka rajaynayaa in ay tani noqoto tii ugu danbeysey ee lagu tijaabinayo shacabka. Waxaa kale oo isla Axadii lku dhintey tog qabri-dahare wiil 12jir ah oo waliaanaan heli magaciisa kadib markii uu togii oo buuxa uu yimid oo gabiyada garaacaya,waxaan kalifey roobab badan oo ka da,ay galbeedka ayaa soo rogey,dhibka iyo dhimashadu waa mid la fac tirsatey,shacabkan 100 laalka sano lasoo guumaysanayey

Rasaas.com