Weerar Ciidanka Canfartu ku Dileen 60 Deegaanka Soomaalida

 

Jijiga, Dec 28, 2020 – Dagaalo khadhaadh ayaa waxay ku dhexmarayaan deegaanka Soomaalida ciidamada gaarka ee deegaanka Soomaalida iyo kuwa deegaanka Canfarta.

Ciidamada deegaanka Canfarta ayaa weerar gaadma ah ku qaaday fadhiisin ay ciidanka Soomaalidu ku leeyihiin tuulada Dan-lahelay oo ka tirsan deegaanka Soomaalida. Macada sababta ka dambaysa weerarka ay ciidanka bcanfartu ku qaadeen saldhiga. Waxaa la sheegay in ciidanka Soomaalida laga dilay 60 ugu yaraan lixdan askari.

Sidaas oo kale ciidanka Canfartu waxay dileen 15 qof oo shacab ah 16 kalena way dhaawaceen.

Ciidan gurmad ah ayaa ka tagay dhinaca Soomaalida waxaana maanta dhacay dagaal u dhaxeeya ciidanka Canfarta iyo kuwa Soomaalida. waxaana la sheegayaa in ay jirto dhimasho badan labada dhinacba.

Wali ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay labada maamul. waxaa la sheegayaa in dagaalkan ay qayb ka yihiin ciidanka milatariga Itoobiya.

Xaalada ayaa aad u kacsan waxaana jira jahawareer badan, iyada oo laga cabsi qabo in dagaalku uu balaadho.