Waxaa ku Soo Biiray Maansada “Gudgude” Xildhibaan Saado Cali Warsame

 

Saado Cali WarsameXildhibaanad Saado Cali Warsame, waxay duraysaa Axmed Sheekh Cali Heelaale iyo ragga Somaiyada, iyada oo difaacaysa haweenka Somaliyeed. Dhagayso Saado [mp3player width=200 height=20 config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://rasaasa.com/wp-content/uploads/2014/07/Jawaabtii-Helaale-Gabay-Astaan-Qaran-Saado-Cali.mp3]

Dhaqanka Somalida, waxaa ka buuxa erayo lagu liido Haweenka, kuwaas oo aan ceeb ku ahayn dhaqanka Somalida.

Saado, gabaygeedu wuxuu jalfinyaa ujeeddada gabayga, iyada meesha soo galisay haweenka oo Heelaale uusan waxba ka sheegin. Dgayso Heelaale

Eray haweenka khuseeya waxaa ku jira gabayga “Maantay arooskii galeen loogurbaan tumay’ee.” oo tixraac u ah tuducdii ugu dambaysay ee Cali-dhuux Aaden ku xidhay Gubadii 2aad.

Helaale, gabayga uma tirin namiimiyenimo, laakiin wuxuu tusayaa dhulbahante, in ay dhacsadaan xaqa ka maqan. Waxaadse moodaa in dhulbahantee weeraray Heelaale, intii ay ka dhiidhiyi lahaayeen dhoomaha Isaaq Saaray.