Wax Soo saar Suuq La,a iyo Abaar la Saadaalinayo

 

Jijiga, Feb 21, 20012  [ras] – Gabalada degaanka Somalida Ethiopia ee ay maraan wabiyadu ayuu labo iyo tobankii bilood ee u dambeeyey wax soo saarka midhaha beeruhu kor u kacay.

Magaalo madaxda gabalka Shabeele ee Godey ayuu iimaha Jawaanka Galyda uu ka hoos maray 100 Birr, ka dib kolkii uu wax soo saarka midhaha beeruhu batay.

Dhinaca kale waxaa la saadaalinayaa Abaar dad oo ka dhici doonto qaar ka mid ahgabalada degaanka Somalida Ethiopia bilaha November 2012 iyo horaanta sanadka 2013.

Saadaasha ay soo saartay OCHA, ayaa sheegaysa in uu hoos u dhac ku iman doono wax soo saarka dalaga beerah ee degaanka, iyada oo ay ugu wacan tahay suuq la,aanta midhaha ay beeraleydu soo saarto.

Dawlada dhexe iyo mida degaanka ayaan wax qorsha ah wali u hayn dhiiri galinta beeraleyda degaanka Somalida Ethiopia, arinkaas oo niyad jab ku keeni doona wax soo saarka beeraleyda.

Xadka uu la leeyahay degaanka Somalidu dalka Somaliya ayaa xidhan, suurto galna ma aha in ay beeraleydu hesho suuq ay u iib geeyaan dalagyada ay soo saaraan.

Beeraleyda gabalada Shabeele, Liibaan, Afdher iyo guud ahaan degaanka Somalida ayuu wax soo saarku sanadkan kordhay, iyada oo ay ugu wacan tahay nabada ka dhacday degaanka.


rasaasa.com