Wasiirka Warfaafinta Eritrea: Dalka Somaliya Wuxuu Ka Degi La’yahay Gacamo Shisheeye

 

Wasiirka Warfaafinta Eritrea Cali Cabdow ayaa si weyn uga hadley arinta gobolka geesk Afrika, gaar ahaana dalka Somaliya oo ay ka jiraan colaado raagey.

Wasiirka ayaa mar uu ka hadley kulankii ugu dambeeyay ee ururka IGAD uu ka yeeshay xaalada Somaliya uu ahaa mid ay ka soo baxeen go’aamo lagu deg degay oo aan laga fiirsan, gaar ahaana qodobka ah in ciidamo dheeri ah oo ka socda Afrika la geeyo gudaha dalka Somaliya.

Cali Cabdow waxaa uu dalalka Qaarada Afrika, gaar ahaan kuwa Geeska Afrika uu uga digay in ay ciidamadooda geeyeen gudaha dalka Somaliya, isaga oo intaa ku daray in ay natiijo ka keeni waayeen kuwii horey u tagey sida Ciidamada Midowga Afrika haatan ka jooga dalka Soomaaliya ee Amisom.

Wasiirka warfaafinta Eritrea Cali Cabdow waxaa uu hadalkiisa ku daray in dalka Somaliya uu u baahan yahay in laga daayo faragelinta shisheeyaha, loona madax baneeyo dadka Somaliyeed, si ay xal uga gaaraan danahooda.

Hadalka Cali Cabdow ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shalay ahayd gobolada koonfurta Somaliya intooda badan ay ka dhaceen dibad baxyo ka dhan ah hadalkii ka soo yeeray Urur goboleedka IGAD ee ahaa in ciidamo dheeri ah la keeno gudaha dalka Soomaaliya.

Xukuumada Eritrea ayaa hore uu aduunku ugu eedeeyey in ay tahay xukuumad qas ka wada geeska Afrika cunaqabatayn arintan ku saabsana hore loo saaray. Waxaa ay xukuumada Eritrea dhibaatada ay geeska afrika ka wado ugu wacan colaada u dhaxaysa iyo iyo dawlada dariska ay yihiin ee Itobiya.

rasaas.com