Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Atobiya, oo Jooga Geneva

 

rasaasaGeneva, June 9, 2014 – Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada dawlada dhexe ee Atobiya Cabdifatax Sheekh Cabdulahi oo maalmahan ku sugnaa magaalada Geneva dalka Swezerland, ayaa kulan la qaatay Qurbo-joogta Puntland.

Sida ay qortay warbaahinta Somaliya, wasiir Cabdifataax, wuxuu kaga qaybgalay Geneva kulan caalami ah oo laggaga hadlayey arimaha horumarinta shaqada aduunka.

Dawlada dhexe ee Atobiya iyo warbaahinta Ismaamulka Somalida ayaan midkoodna soo hadal qaadin safarka wasiirka iyo shirka ka dhacay Swizerland midna.

Warar aan sugnayn oo aan ka helay, xubo taageera ismaamulka Somalida Atobiya, ayaa sheegay in wasiirku hawlo caafimaad u joogo Geneva, mudo labo todobaad ku dhaw.

Cabdifataax Sheekh Cabdulahi, oo ah  wasiirka kaliya ee dawlada dhexe ugu jira Somalida, waxaana uu madax ka yahay wasaarad uuna ruux Somali ah ka shaqayn.

Mudane Cabdifataax, ayaa intii uu joogay Geneva, waxaa uu shirar la qaatay qurojoog Somaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland. Mudane Cabdifataax, ayaa warbixin ka siiyey qurbo-joogta Somaliyeed, arimaha amaanka iyo horumarka ka socda degaanka Somalida Atobiya.

Dhinaca qurbo-joogta Somaliyeed ee wadanka Swizerland, waxaa warbixin ka siisay wasiirka gudoomiyaha Jaaliyada Puntland Fartuun Cabdulqaadir.

In kasta oo Mudane Cabdifataax degaanka Somalida ugu jiro xukuumada dhexe, hadana wax lug ah kuma leh arimaha ka dhaca degaanka Somalida.

Mudane Cabdifataax, waxaa uu hore uga soo qabtay degaanka Somalida, jagooyinka gudoomiyaha xisbiga Somalida ee hoos taga ururka TPLF, iyo madaxa xafiiska waxbarashada degaanka.