Sun. May 29th, 2022

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo Muftiga ugu weyn dalka Itoobiya iyo Guddoomiyaha Golaha Sare ee Arimaha Islaamka Sheekh Xaaji Cumar Idiris ayaa labadooduba ku tagay booqasho Sacuudi Carabiya, maalin kadib kolkii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed u safray dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Sucuudiga, Wasiirka Arrimaha Islaamka Wacyigelinta iyo Hanuuninta Sucuudiga Sheekh Dr. Abdullatif bin Abdulaziz Al-Sheikh ayaa qaabilay wasiirka maaliyadda Itoobiya iyo weftigiisa oo booqasho ku jooga dalka Sucuudiga.

Sida laga soo xigtay wargeysyada Sacuudiga, Sheekh Dr. Abdullatif Al-Sheikh ayaa bogaadiyay socdaalkan, kaas oo ku yimid qaab dhismeedka xidhiidhka xooggan ee labada dal.

Dhankiisa, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya ayaa si qoto dheer uga hadlay xidhiidhka taariikhiga ah ee labada dal, isaga oo bogaadiyay dadaalka ballaadhan ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ugu adeegeyso Islaamka iyo nabadda adduunka.

By Rasaas