Wasaarada Arimaha Dibada ee Autralia oo Su,aalo Waydiisay Laba Xubnood oo ka Tirsan Ururada ay Ethiopia Galisay Liiska Argagixisada.

 

War aanu ka soo xiganay dad kala shaqeeya wasaarada arimaha gudaha ee Australia arimaha la xidhiidha argagixisada ayaa noo cadeeyey in su,aalo la waydiiyey laba xubnood oo ka tirsan ururka ka dagaalama degaanka Somalida Ethiopia.

Labada Xubnood ee ay saraakiisha arimaha guduhu su,aalaha waydiiyeen ayaan la cadaynin magacyadooda, meelaha ay degan yihiin iyo waliba masuuliyada ay u hayaan ururka ay ka tirsan yihiin.

Waa markii ugu horeysay ee wasaarada arimaha dibada ee Australia ay la xidhiidho xubno ka tirsan ururada mucaaradka ku ah xukuumada Ethiopia.

Dhawaan ayey ahayd markii ay baarlamaanka Ethiopia ururo dhawra ku dareen diiwaanka argagixisada, ka dib kolkii la cadeeyey in falalka ay ka samaynayaan dalka ay yihiin nooc argagixisanimo ah.

Dawlada Ethiopia ayaa gaadhsiisay xafiiska qaramada midobay iyo dalal dhawra ah oo aduunka ah in ay ururada wata magacyada ONLF, OLF iyo Gimbot 7 yihiin argagixiso.

Waxaa kale oo ay dawladu si gaar ah u gaadhsiisay codsi dalalka ay ku nool yihiin masuuliyiinta ururada ay galisay diiwaanka argagixisada in ay dib ugu soo celiyaan dalka Ethiopia.

Codsigaas wax ka jawaabay ilaa iyo hada waxaa jira dalka Maraykanka oo ay isku afgaran la,a yihiin Ethiopia soo celinta xubnaha ay codsatay.

Su,aalaha ay waydiinayso wasaarada arimaha gudaha ee dalka Australia xubnaha mucaaradka Ethiopia, ayaan la ogayn in ay la xidhiidho dalab dhinaca Ethiopia kaga yimid iyo inkale.

rasaasa.com