Wariyeyaal Kooxda Jwxo-shiil, oo Eritrea Laga Caydhiyey

 

Asmara, January 19, 2012 [ras] –  Warar rasmi ah oo aan ka helay xarunta dalka Eritrea ayaa sheegay in saddex wariye oo kooxda Jwxo-shiil u joogay dalka Eritrea laga caydhiyey dhamaadka bishii December 2011.

Dhalinyaradan ayaa loo sheegay in ay joojiyaan hawlihii ay ka hayeen dalka Eritrea, ilsmarkaasna waxaa loo sheegay in ay ka baxaan dalka. Waxa kalifay in wariyeyaashan laga caydhiyo Eritrea, ayaa loo malaynayaa in ay tahay wadahadalka la sheegay inuu u dhaxeeyo Ethiopia iyo kooxda Jwxo-shiil.

TV-ga Eritrea ayaa baahin jiray Ideecad iyo muuqaalo ay sii dayso kooxda Jwxo-shiil, kuwaas oo lid ku ah dalka Ethiopia. Xukuumada Eritrea ayaa kooxdan siin jirtay taageero ciidan iyo mid afba tan iyo intii ay colaadu dhexmartay Ethiopia iyo Eritrea.

Kooxda Jwxo-shiil, ayaa mudo isticmaali jirtay TV-ga Somalichanel, su,aalo badan xaqiiqda waxa uu siidaay laga waydiiyey darteed, TV-gu wuxuu joojiyey warbaahintii uu siin jiray kooxda Jwxo-shiil, waxaa kale oo kooxda diiday dhawr TV.

Dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey TV-ga Eritrea ayaa baahin jiray warar iyo barnaamijyo aan dhab ahayn  oo ay kooxdu soo diyaarin jirtay, kaas oo haatan xidhmay.

Kooxda Jwxo-shiil, ayey dawlada Ethiopia raacisay ururada arggagixsada ah, waxaana sababtooda u xidhan dhalinyaro baranaysay wariyenimo oo u dhalatay dalka Sweden oo ay kooxdu si khalad ah ku galiyeen gabalka Ogaden, Ethiopia.

rasaasa.com