Waraabe Weeraray Madaxwayneyaasha DDSI iyo Puntland

 

waraabeJijiga, March 10, 2014 – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID, ee maamulka Somaliland, Faysal Cali waraabe oo jooga magaalada Nairobi, ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas, isaga oo weerarka u tixraac booqashadii Jijiga.

Waraabe  ayaa sidoo kale, si dahsoon dacwad  ugu furay Madaxwaynaha degaanka Somalida Itobiya Cabdi Maxamud Cumar. Waraabe ayaa  yidhi “waxyaabaha ay wadaan Jijiga iyo Garowe waxay dhibaatayn dootaa Addis Ababa.” Ma cada waxa uu uga jeedo Waraabe dhibaatada uu sheegay in  ay ka dhici doonto Addis Ababa, laakiin uu  ula jeeddo  in ay wadaan dhibaato madaxwayne Cabdi Maxamud Cumar iyo Cabdiwali Maxamed Gaas.

Gudoomiye Waraabe, oo aad ugu dheeraaday booqashadii uu Jijiga ku tagay madaxwaynaha Puntland, ayaa sheegay in ay ahayd mid qabiil oo ayna dawlada Atobiya shaqo ku lahayn, waxyaabaha laggaga hadlay.  Waraabe oo hadalka sii wada ayaa yidhi “waxaa socda olole la doonayo in la isku xidho Jijiga, Garowe iyo Kismayo.”  Waraabe wuxuu sheegay in qorshahan uu wado Madaxwaynaha Puntland, taas oo keeni doonta buu yidhi dhibaato.

Hadalada uu warbaahinta ka sheego Waraabe ayaa u badan qubxi ku salaysan Qabiil. Waxaana loo arkaa in uu yahay nin aan fayoobayn marka la miisaamo dhaqmaadkiisa warbaahinta.

Waraabe oo la sheego in uu ka soo jeedo degmada Xarshin, laakiin beel ku raacay maamulka Somaliland, ayaa hore dagaalo uga abaabulay degaanka Somalida Atobiya , dhawr goorana si sharci daro ah kaga talaabay xadka u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo DDSI.

Madaxwayne Cabdiga DDSI ee Faysal-Waraabe  ku eedeeyey in uu wado dhibaato qabiil, waxaa uu doraad Daroor ka furay ceelal biyood loo qoday shacabka reer Daroor. Meesha maamulka Somaliland ee Waraabe ka tirsan yahay dhibaato la dabo taagan yihiin shacabka DSI.