War Saxaafadeed ka Soo Baxay Xafiiska Midowga Jabhada Xoreynta Somali Galbeed [MJXSG]

 

Midowga Jabhada Xoreynta Somali Galbeed oo si aad ah loogu yaqaan JXSG, ayaa Aabe u ah Halganka casriga ah ee ka socda dhulka Somalida Ogadeeniya [Ogaden], JXSG oo ah Jabhadii ugu horeysay ee xoreysay Ogaden muddo 8 billood ah sanadkii 1977, ayaa waxayna wali dhigin qorigii halgan ee Xoreynta Somalida Ogadeeniya, waxaana naga soo gaadhay maanta Qoraalkan.

Ref:  2003/UWSLF
Date:  24/6/2009

URURKA MJXSG, OO WARSAXAAFADEED KA SOO SAARAY XAALADDA SHACABKA S/GALBEED IYO DAGAALADII UGU DAMBEEYAY.

1. Waxaa Bishan gudaha dhulka S/galbeed Ciidamada Mujaahidiinta Midowga Jabahadda Xoraynta S/galbeed UWSLF iyo Ciidanka gumaysiga Dagaalo ku dhexmareen deegaano ka mid ah dhulka S/galbeed ee lagumaysto, Dagaaladan ayaa ka dhacay deegaano ka mid ah Gobaladda Godey, iyo Dhagaxbuur, waxaana ka mid ah meelaha ay Dagaaladaasi ka dhaceen, Tuuladda Hora- Shagax oo ka tirsan Dagmadda Dhanaan, Wabiga Shabeele, meel aan ka fogeyn magaaladda Godey iyo Tuuladda Laan-Mulaaxo oo ka tirsan Dagmada Gaashaamo ee gobalka Dhagaxbuur iyo meelo kale oo ka mida dhulkaas.

Dagaaladan inta badan Mujaahidiintu waxay Ciidanka Cadowga ugu gaysteen Khasaare xoogle oo isagu jira dhimasho iyo Dhaawac intaba Alle mahadii Dhanka Mujaahidiinta aadbuu uyaryahay khasaaraha Kasoo gaadhay Dagaaladan oo intooda badan ahaa Dagaalo ay Mujaahidiintu Qorshaysteen intabadana Cadowga ay gacanta kala horaynayeen, taasoo yaraysay khasaaraha dhanka Mujaahidiinta, badisanayna khasaaraha Cadowga.

2. Dhanka kale Ururka Midowga Jabahadda Xoraynta S/galbeed Wuxuu Cambaaraynayaa Cadowaga iyo kuwa daba dhilifka u ah oo sii laba jibaaray Cadaadiska iyo dhibaatada ay ku hayaan Shacabka ku dhaqan Dhulka S/galbeed ee lagumaysto, waxaana jira dad badan oo ay ciidanka Gumaysigu ku dileen gobaladda kala duwan ee dhulkaasi, kuwo badan oo Xabsiyada buux dhaafiyay dhibaato badanina ku haysto Jeelasha gumaysiga, kuwo badan oo ay kudilaan gumaysiga Jeelasha dhexdooda sida ka dhacday Dagmadda Sagag oo ka tirsan Gobalka Nogbeed oo ay ku dhex dileen Xabsiga ku yaala Dagmaasi Gabadh Curyaana oo mudaba u xidhnayd, sidoo kale waxay ku dileen Sedex wiil Jeel ku yaala Tuuladda Birqod oo ka tirsan gobalka Dhagaxbuur.

3-Sidoo kale ururka Midowga Jabhadda Xoraynta S/Galbeed, UWSLF, wuxuu Cambaaraynayaa kuwa ka dambeeyay Falalkii lagu dilay Egneerkkii dhisayay wadada isku Xidha Magaalooyinka Dhagaxbuur, Qabri- Dahar iyo Godey iyo Baabuurtii wadadaa ka shaqaynaysay oo 6 ka mida halkaa lagu gubay, falkaas Ururka Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed wuxuu u arkaa ku,aan cadowga waxba lagu yeelin balse lagu hor istaagay wixii ugu muhiimsanaa ee Abad intii dhulkooda lagumaysanayay dadkaa Loo qabto, taasoo ah wadada dheer oo hada qaybo ka mid ihi Laami tahay, waxaanu u,arkaa Ururku dhismaha Wadadaa Xaq dadkani lahaa oo Alle uga soo qaaday Gumaysiga inay wax magarati aan lahayn ujeedo Siyaasadeed iyo aragti fog midna Is hortaagayaan.

Gumaysiga haysta dhulkeena waxaa inaga dhaxeeya Dagaal balse dhulkeena iyo dadkeena dagaal inagama dhaxeeyo wadadan lagama dhisin Maqale, ee waxaa laga dhisayaa Jigjiga, Dhagaxbuur, Qabri-Dahar iyo Godey, goortay noqotaba Gumaysiguna waakii kataga dhulkeena haduu wax kadhiso iyo haduuna ka dhisin labadaba.

4. Baaq Wuxuu MJXSG, halkan Baaq uga soojeedinayaa Beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Deegaano ka tirsana Gobalka Wardheer, waxaana leenahay halajoojiyo Dagaalada dhexdiina ah kuwaasoo ay tahay cida kaliya ee ay dani ugu jirtaa gumaysiga dhulkeena haysta kaasoo ah midka ka shaqaynaya colaadahan soo Noqnoqd ee dhex jira beelaha walaalaha ah waxayna Jabahadu ugu baaqaysaa Culimadda gobalka, Ugaasyada, Aqoonyahanka iyo Jaaliyaadku inay ka qayb qaataan joojinta colaadan.

Ugu dambayntii Ururka Midowga Jabahadda Xoraynta S/galbeed, wuxuu ugu baaqayaa Shacabka S/galbeed, inay u midoobaan halganka lagula jiro Gumaysiga Madow ee dhulkeena haysta, halkudhageenuna waa Muslinimo, Mintidnimo iyo Midnimo.

Xafiiska warfaafinta Midowga Jabahadda
Xoraynta S/galbeed,
UWSLF.