War Deg Dega: Tuulada Ceel-Xaar oo 15 Ruux Xalay Kooxda Jwxo-shiil, ku Dishay

 

Qabridahare, June 10, 2011 [ras] – War deg deg ah oo aanu galabta ka helay magaalada Qabridahare, ayaa sheegay in Kooxda Jwxo-shiil, ay xalay saqdii dhexe Tuulada Ceel-xaar ku dishay 15 ruux oo shacab ah, 21  kale ku dhaawacday.

21 Ruux ee dhaawaca ah oo isugu jira rag, haween, caruur iyo waayeel waxaa saaka la keenay Isbitaalka magaalada Qabridahare oo u jira 9km Tuulada Ceel-xaar. Dadkii dhintay ayaa iyagana lagu xabaalay maanta Tuulada Ceel-xaar.

Sida ay wararku sheegayaan Kooxda Jwxo-shiil, ayaa dadka oo hurda rasaasa ku furay aan miidaan day lahayn, sida la sheegay waxay doonayeen in ay dhacaan dukaamo ay cunto iyo dawo ku tuhmayeen.

Tuulada Ceel-xaar ma joogo Ciidan dawlada dhex iyo mid degaan midkoodna, waxaase jooga 7 ruux oo Boolis ah.

Kooxda Jwxo-shiil, ayaa dhibaateeya shacabka degaanka iyaga oo eegta meelaha dagan ee ayna joogin ciidamada dawladu.

wixii ka soo kordha waanu idinla socodsiin doonaa