War Deg Deg ah: Laba Nin oo Hore Isugu Dayey in ay Dilaan Dr. M S Dolal iyo Eng. Salaxudin Cabdiraxmaan, oo Maanta Lagu Dilay Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab.

 

“Boholo Khayaamo ha Qodin Hadaad Qodana ha Dheerayn ku Dhici Doontaan ma ogide” hadaad ku taamto in aad walaalkaa kibir iyo micno daro ku disho, ogow waa aduun, oo waxaa laga yaabaa in adigana maalin kibir iyo si fudud laguggu dilo.

Kamas Dhabar iyo Rooble Muuse, oo maanta lagu dilay xerada Qaxootiga ee Dhadhaab, waxaa weeye nimankii ku weeraray xerada Qaxootiga ee Dhadhaab Dr. M S Dolal iyo Eng. Salaxudin Cabdiraxmaan Xaaji Macow. Dr-ka iyo Eng-ka ayaa fara caaradood kaga baxsaday isku daygaas dil ee ay hormuudka ka ahaayeen labadan nin ee xalay lagu dilay xerada Qaxootiga Dhadhaab.

Dr. Dolal iyo Eng. Salaaxudin, oo ahaa hogaamiyeyaasha ururka ONLF, ayaa waxaa shirqool u maleegay Jwxo-shiil [maxamed cumar cismaan] iyo saddex nin oo kale, iyaga oo u soo adeegsaday labadan nin iyo qaar kale. Nasiib wanaag isku daygaas dil way ka badbaadeen, in kasta oo Dr. Dolal lagu dilay qorshe kale oo daba socday midka ka dhacay Dhadhaab.

Aduunku waa hadh wareegii wixii xumaan ah ee aad walaalkaa la damacdana adiga ayuu kayd kuu noqdaa dibna kuu dilaa ee dadow yaan la moogaan!

wixii war ah ee ka soo kordha dhimashada labada nin waanu idinla soo socod siin doonaa

rasaasa.com