War Deg Deg ah

 

Waxaa Habeenkii Xalay ahaa magaalada Qabridahare lagu dilay Liqoowe Muxumed Tayse. Xalay saqdii dhex xili uu gurigiisa hurdo, ayaa waxaa guriga ugu soo galay niman hubaysan, waxayna xabad ku dhufteen marxuunka.

Liqoowe, Eebahay naxariistii jano ha siiyee, waxaa uu ahaa madax Xafiiseedka Maaliyada ee magaalada Qabridahare, waxaana uu ahaa nin aad looga jecel yahay magaalada Qabridahare.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa dilkiisa ka dambeeyey rag hubaysan oo budhcad ah lana filayo in uu soo abaabulay Jwxo-shiil, sida ka dhacday dhawr goor oo hore meelo ka mid ah gabalka Qorahey.

Waxaanu ku daba jiraa cidii ka dambaysay dilka marxuun Liqoowe Naxariistee Jano Eebe ha siiyee.
siiyeeye.

Ugu dambayn Maamulka iyo shaqaalaha rasaas.com iyaga aad uga tiiraanyeysan, waxay tacsi u dirayaan qoyska iyo ehelada uu ka baxay Liqoowe Muxumed Tayse.

rasaas.com