War Deg Deg ah: Shil Gaadhi oo ka Dhacay Dhagaxbuur

 

Jijiga, April 14, 2012 [ras] – Shil Gaadhi oo ay ku dhinteen 7 ruux ayaa gabalabta ka dhacay meel wax yar u jirta magaalada Dhagaxbuur ee gabalka Jarar.

Dadka shilka ku geeriyooday Eebe ha u naxariistee ayaanaan wali helin magacyadooda, waxaana ka mid ahaa maamulihii kuleejka caruurta ee degmada Sheekosh oo  magaciisa lagu gaabiyey Ina Maxamuud Fidhin. Dadka dhintay ayaa u badnaa ciidamada gaarka ah ee Booliska.

Gaadhiga shilka galay ayaa waxaa uu ka tagay magaalada Jijiga isaga oo u sii jeeday magaalada Qabridahare.

Eebe weyne ha u naxariisto Marxuumiinta, samir iyo imaana Eebe ha ka siiyo eheladoodii.

 

rasaasa.co