War Deg Deg ah: Nin Dhalinyaro ah oo ay Kooxda Jwxo-shiil, Gaaris ku Gawracday

 

War kol dhaw naga soo gaadhay magaalada Garisa ee dalka Kenya yaa sheegaya in wiil dhalinyaro ay xubno ka tirsan kooxda Jwxo-shiil ku gawraceen Magaalada Garissa.

Wiilka la gawracay, ayaa magaciisa naloogu sheegay Fu,aad, Waxaana uu ahaa Qasnajigii degmada Fiiq ee gabalka Nogob. Sababta ay kooxda Jwxo-shiil wiilkan ugu gawraceen gudaha dalka kenya ayaan wali la garan.

Wiilka ayaa ka mid ahaa dadkii u adkaysan waayey dhibaatadii isu celiska ahayd ee ay sameeyeen kooxda Jwxo-shiil iyo ciidamad Booliska ee Maamlka Somalida Ogadeeniya. Waxaana uu muddo door ah joogay dalka Keenya gaar ahaana xeryaha Qaxootiga ee ay degan yihiin dadka ka soo bara kacay dhulka Somalida Ogadeeniya.

Wararku waxaay intaas ku darayaan in Booliska Kenya uu qabtay ilaa saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Jwxo-shiil.

Dambiyadii uu galayey Jwxo-shiil, ayaa waxaa ay noqdeen kuwo caalami ah, waxaana suurto gal ah in mar dhaw ay qabtaan Jwxo-shiil booliska caalamiga [Interpol].

Wixii war ka soo kordha waanu idinla soo socod siindoonaa.

rasaas.com