Waxaanu ka Raali Galinaynaa Qoyska iyo Akhristayaasha Rasaas.com, Warkii Aanu Saaka Qoray

 

Waxaanu ka raali galinaynaa qoyska iyo akhristayaasha bogga rasaas.com, warkii aanu soo qornay saaka, oo aanu ku sheegnay in Maxamed Cumar uu xalay fiidkii xijaabtay. Warkaas wuxuu noqday been Maxamed Cumar Cismaan [Jwxo-shiil]wuu nool yahay, waxaana noo xaqiijisay afada oo aan af gaadhanay, warkaas oo ay si khaldan ku soo gaadhiiyeen shabakada, dad xog ogaal iska dhigay oo ay daris yihiin.

Warkaas oo si khaldan noo soo gaadhay ayaa lagu khalday nin ay daris yihiin oo ka tirsanaan jiray ciidamadii Somaliya oo ay darajadiisu tahay kornayl.

Mar labaad ayaanu raali galin ka bixinaynaa warkaas sida khaldan nagu soo gaadhay ee aan soo daynay, iyada oo rasaas.com looga bartay warar sugan.