War Ded Dega: Ciidanka Maamulka Somaliland oo Weerar ku ah Taleex

 

dagaal1Jijiga, Apr 15, 2014 – Wararka ka imanay degmada Taleex ayaa sheegay in ciidamada maamulka Somaliland ay soo gaadheen degaanka Goobaale, oo 60 Km u jirta degmada Taleex.

Sida ay wararku sheegayaan ciidamada maamulka Somaliland ayaa doonaya in ay la wareegaan gacan ku haynta magaalada taariikhiga ah ee Taleex.

Ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamada maamulka Khaatumo oo ku sugan magaalada Taleex ayaa la sheegayaa in ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan oo ay isugu diyaarinayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen gulufka ciidan ee ku soo wajahan magaalada Taleex.

Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in kulan deg deg ah uu ka socdo magaalada Garowe, kulankaas oo uu shir gurdoominayo Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulahi Camey.

Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in ciidamo badan oo ka tirsan ciidamada Atoobiya la soo dhoobay xadka magaalada Buuhoodle, halkaas oo ay ku sugan yihiin wufuuda ka qaybgalaysa shirka maamulka Khaatumo ee ka dhici doona magaalada Taleex.

Dhinaca kale waxaa uu khilaaf xoogan ka dhex taagnaa Atoobiya iyo maamulka Somaliland, ka dib kolkii ay Booliska maamulka Somaliland si xun u garaaceen labo nin oo ka tirsan sirdoonka Atoobiya.

Maamulka Somaliland ayaa baryahanba waday daan daansi ka dhan ah maamulka Puntland, ka dib kolkii uu madaxwayne Siiraanyo si dhuumaal u u booqday degaano ka tirsan maamulka Puntland.

Waxaa laga cabsi qabaa  in fargadu qarxiso xabada, wixii ka soo kordha isha ku hay.