War dag dag ah: Budhcad ka Tirsan Kooxda Jwxo-shiil, oo Galaalshe Saaka Lagu Galay

 

Jijiga,  May 26, 2011 [ras] – War dag dag ah oo naga soo gaadhay xarunta taliska ciidanka New Police-ka ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Atobiya, ayaa sheegay in saaka waabarigii  ciidamada New Boolisku weerar ay qaadeen qudha kaga jareen 61 xubnood oo ka tirsan kooxda Jwxo-shiil, 7 ka mid ahna dhaawac ku qabtay.

Ciidamada New Booliska ayaa maalmahanba waxay ku raad taagnaayeen budhcad ka tirsan kooxda Jwxo-shiil, oo bishan May 13-keedii dishay shaqaale ka mid ah hayadda cuntada aduunka ee WFP. Dagaalka ayaa ka dhacay Galaalshe oo ah degaankii ay kooxda budhcadu hore ugu dishay shaqaalah WFP.

Todobada dhaawaca ah ayaa la filayaa in islamaantaba galinka dambe la soo gaadhsiiyo Isbitaalka guud ee magaalada Jijiga si loogu daaweeyo.

Kooxda ayaa u dagaalantay si naf la caarinimo ah, hase ahaatee ciidanka New Booliska ayaa u awood sheegtay, oo dhamaan budhacadii ka dhigay waxa ay dileen iyo wax ay dhaawac ku qabteen.

Waxaanu xarunta dhexe ee New Booliska ka soo xiganay, in budhacada la laayey uu watay budhcad lagu magacaabo Gadhle Mukhtaar, waxayna sheegeen in dhawaan ay ka soo galeen dhinaca Somaliland.

Degmooyinka ka tirsan Degaanka Somalida Itobiya ee ku dheeraran dhinaca xadka Somaliland, ayaa hore loogu sheegay in ay isku uruursato budhcada kooxda Jwxo-shiil, ka dibna ay si dhuumaal ah ugu gudbaan dhul waynaha degaanka Somalida Atobiya.

Waxaa ilaa iyo hada la cadeeyey magacyada 8 ka mid ah budhcada kooxda Jwxo-shiil, ee la dilay oo kala ah;

1. Gadhle Mukhtaar ( Hoggaamiyihii Kooxda Asmra) ree Isahaaq, ree Cali Gaab
2. Faarax(Ree Isahaaq, Cali gaab)
3. Cabdimajiid Nuur Ibraahim( Maalinguur, ree Xirsi)
4. Khadar Carab Maxamed(Maalinguur Ree Xirsi)
5. Xasan Maxamed Hudle( Maalinguur, Faarax Samatar)
6. Axmed Maxamed Cali( Kooshin Cilmi)
7. Wali Shugri Xirsi(Ree Cismaan)
8. Cabdi Maxamed Sagal

Faah faahinta ku saabsan sida wax u dhaceen ayaa la filayaa in galabta ay ka hadlaan masuuliyiin ka tirsan dawlada degaanka Somalidu Itobiya, oo ku sugan Jijiga.

rasaasa.com