Waqooyiga Magaalada Jijiga Beel ku Dagaashay

 

Jijiga, June 9, 2012 [ras] – Ciidanka Booliska gaarka ayaa kala dhex galay beel ku dagaalantay dacal ka mid ah dacalada magaalada Jijiga, maalintii khamiista June 7, 2012.

Ugu yaraan hal ruux oo ka mid ah dadkii dagaalamayay ayaa ku dhintay, saddex ka mid ah ciidanka Booliskuna way ku dhaawacmeen.

Dadka dagaalay oo hal beel ah, ayaa dagaalkoodu ka kacay dhul beereed ku yaal darafka magaalada Jijiga, waxaana lagu dilay hal ruux. Dilka ka dib ayey beeshu isu qoryo uruursatay, waxaana la soo wargaliyey Booliska degaanka oo isla markiiba kala dhex galay, waxayna xabadi haleeshay saddex ka mid ah Booliska gaarka ah.

Dad dhawra ayey boolisku u qabteen dagaalka dhacay oo haatan xidhan, waxaana wali ku sugan goobta uu dagaalku ka dhacay ciidamada Booliska oo sugaagaya amaanka. Dhinaca kale Booliska ayaa wada baadhid ku saabsan cidii dilka gaysatay iyo sababta keentay gacan qaadka keenay dagaalka.

Rasaasa.com