Wafti ka Socda Maamul Galbaleedka Galmudug oo Booqanaya Jijiga.

 

Jigjiga, [Aug 25, 2010] – Madaxwaynaha Maamul Gobaleedka Galmudug Kornayl Maxamed Axmed Caalin Iyo Wafti uu hogaaminayo oo ka mid ah Golahiisa Wasiirada ayaa Booqasho ku jooga Magaalada Jigjiga, ee caasimada Ismaamulka Somalida.

Booqashadan ayaa ah mid aan si rasmi ah loo shaacin, hase ahaatee ay madaxda Ismaamulka Dawlada Somalidu kaga xaajo qaadanayaan Madaxweynaha iyo xubnaha wasiiradiisa ee yimid Jijga.

Waftiga la socda Madaxwaynaha ayaa waxaa ka mid ah Gaashaanle Sare Cabdullahi Adan Xuseen Cirro iyo masuuliyiin kale kuwaas oo ka qayb qaadanaya wadahadalada u dhaxeeya Ismaamulka Somalida iyo Masuuliyiinta Maamulka Galmudug.

Waxaa baryaha dambe aad warbaahinta ugu jirtay in dad ka soo jeeda maamulka gabaleedka galmudug ay ugu yabooheen ciidamo iyo kaalmo dhaqaale Dambiile Jwxo-shiil, oo ka mid Jananada Somaliya, waxayeelooyina ka gaystay gayiga Somalida Ogadeeniya.

Waxaa baryahan dambe si aad ah looga buun buuniyaa kooxda Jwxo-shiil, Telefishinka saldhigiisu yahay dalka Ingriiska ee la yidhaahdo SOMALI UK TV, oo ay leeyihiin maal qabeen ka soo jeeda Maamul gabaleedka Galmudug.

Wadahadalada u dhaxeeya masuuliyiinta labada maamul ayey albaabadu u xidhan yihiin oo uusan jirain wax war oo ka soo baxay. Waxaana loo badinyayaa in ay wadahadaladu u badan yihiin arimaha Nabad galiyada iyo xiisada colaadeed ee Maamulka Puntland kaga imanaysa dhinaca maamul gabaleedka Galmugud.

Amni xumo ka dhacda maamul gabaleedka Puntland ayaa si toos ah u samaynaysa, amaanka Ismaamulka Somalida Ogadeeniya. Waxaana uu xidhiidh xoog leh u dhaxeeyaa maamulka Puntland iyo Ismaamulka Somalida Ogadeeniya.

Si kastaba arintu ha ahaadaaneen maamulka Galmud ayaa waxaa looga fadhiya in uu wax ka qabto arimaha waxyeelayn kara amaanka gabalka.

rasaas.com