Wada Xaajood la Sheegay In uu u Socda ONLF iyo Itoobiya iyo Safaarada Maraykanka oo u Digtay

 

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowlada Maraykanka ayaa looga digay Muwaadiniinta Dhalashada Maraykanka haysta innay ka digtoonaadaan qul qulatooyin Siyaasadeed oo suurta gal ah innay ka dhacaan Dalkaas Itoobiya.

Safaarada Maraykanka waxay ka digaysaa Muwaadiniinta innay digtoonaadaan Illaa Bisha May oo la filayo Doorashada Dalka Itoobiya waxaana suurgal ah innay dhacaan Rabshado ka dhasha Doorashada ayaa qoraalka lagu xusay.

Qoraalka safaarada ayaa lagu xusay in ONLF Iyo Itoobiya ay wadda xaajood u socdaan kadib kuwii horey u fashilmay. Qoraalkan oo OgadenToday Press ay aragtay ayaa lagu sheegay sidan.

“Dowlada Itoobiya waxay bilowday 2010 wadda haddalo ay la gasho ONLF kuwaas oo illaa hadda socda in kastoo hakad is maandhaad uu galay wadda haddalkaas”

Dhanka Kalle Qoraalka Safaarada ayaa lagu sheegay in ay jiraan halis ka timaadaa Kooxaha Argagaxisa Soomaaliya gaar ahaan Gobalka Soomaalida Ogaadeeniya Deegaamada Doollow Cadde.

Waxaa suura gal ah digniin la,aan innay halis ka dhacdo Magaalada Addis Ababa, ayaa qoraalka lagu sheegay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dhanka Xuduuda Itoobiya Iyo Kenya ay dagaallo ka socdaan u dhaxeeya Jabhada OLF Iyo Ciidamada Dowlada Itoobiya.

Xaalada Ogaden ayaa Qoraalka lagu sheegay in Jabhada ONLF oo ka dagaalanta Dalka Itoobiya illaa 1990 ay weeraro ku qaadaan Dowlada Iyo shacdooyin saameeye Shacabkaba waa sida haddalka u dhigeen.

Dhamaan muwaadiniinta Maraykanka waxaa looga digayaa innay safaro aan la ogayn ku tagaan Deegaamada gaar ahaan Shaqaalaha Maraykanka Iyo qoysaskooda.

Xigasho: OgadenToday Press