Waa Su’aal is Weydiin Mudan una Baahan in si Dhab ah Looga Jawaabo.

 

Halganka ay waddo Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [JWXO], waa halgan ku salaysan Xoriyo doon ka timid rabitaanka dadweynaha, wuuna ka dun duwan yahay halgamadii ka horeeyay.

Halgankan ay waddo Jwxo, wuxuu kaga duwan yahay kuwii ka horeeyey:

  • Isaga oo mabaadiidiisu tahay midnimo , Mintidd, isku tashi, guul iyo gobonimo in la gaadho.
  • In uusan deeq danta [hanti] JWXO dhaafsan marnaba.
  • In uu ka madaxbanaan yahay faragalinta Shisheeyaha.
  • Inuu yahay Halgan ku tashadda shacabkiisa, hiil iyo hooba.
  • Iyo in ruuxa halganka ku jira qabiil iyo walaalba ay u yihiin kuwa ay halganka wadaagaan

Sidda aan kor ku soo sheegnay, waa Halgan xoriyo doono ah oo ay lee yihiin dadweynuhu, waxaana difaaciisa leh dadka. Madaxdiisa iyo Masuuliyiinta, xubnaha iyo taageeraha waxaa ka go’aan ahaan jiray in ay Xoriyadda geed dheer iyo mid gaabanba u koraan, in khalaafkooda xalkiisu noqdo Jwxo Alahu Akbar.

Hadaba waa aduun oo god daloolo lagama waayee [dhul aad dharaaro moog tahay siduu ahaa uguma timaadid, Dadkana wax walba waa laga fishaa] Waxaa jira dad markii hore loo haystay in ay Halganka Xoreynadta Ogaadeeniya dab dhige u yihiin, oo Halganku dhab ka yahay sidda; Ina Maadey Maadeey, Diirane iyo kuwo kale. waxaa kale oo la is lahaa waa dhab taageerada ay halganka u hayaan in kasta oo ay taagyaraayeen waxaana ka mid ah; Duran Hashi, Ambassotor Farah Affey, iyo ninka la yidhahdo Caadami. Waxaa kale oo jira dad aad u badan oo la moodayey in ay halganka taageero u hayaan, balse waxaanu dadkan maanta uga dhex dooranay waxay degan yihiin dalka Ingriiska oo ah kobta laga dhaqaajiyo matoorka siyaasadeed ee aduunka.

Wax kalena ma ahee sida na loo sheegay waxaa muddo labo bilood ah ku dhagan boggag Internet ah oo ay lee yihiin hayaddo ka soo jeeda dhulka Somalida Ogadeeniya, WARAAQ CABASHO ah oo uu OGOLAADAY RA,IISAL WASAARAHA INGRIISKU in ay cabshadooda ku soo qortaan warqadan si ay DAWLADA INGRIISKU U CANAANATO XUKUUMADA ITOBIYA.

Waxaan na loo sheegay in warqadaas ilaa iyo hada dadka sixiixay ay tiradoodu dhan tahay 50 ruux oo kaliya, waxaanan filayaa in dadka Ingriiiska degan ee ka yimid dhulkaas ayna marna tiradoodu ka yarayn 30, 000, waxaana loo baahan yahay 500 ruux oo kaliya in ay sixiixaan. Hadaba iska daa dadkii caadiga ahaaye waxaa ayna magacyadoodu ka dhex muuqan dadka aan ku xaman jiray in ay yihiin halgamayaal.

Waa dhab in ay jirto qalalaase siyaasadeed oo dhex taal siyaasiyiinta iyo dadweynaha dalka u dhashay, waxaa kale oo jira hadii run la sheegi in ay jiraan gafaf siyaasadeed oo qabiil dabada la gashay oo ay adag tahay in baryahan la xakameeyo waayo waxaa wali jira arimihii khilaafka iyo in la kala fogaado keenay. Waxaa kale oo jira dad uga faa,iidaystay halganaka dhinaca khaldan, waana iyaga kuwa dhibaatada Aabaha u ah, Waxaanase la iloobi karin cidii wax garanaysa in dhulka ayna jirin dad gaar ah oo loo aaneeyo ee waxaa wada leh ummada dhulka degan oo dhan.

Hadaba, waxaanu ku waaninaynaa Qaabiil ku Jwxo iyo jago ku Jwxo in dalka loo simana yahay ruux walbana uu waajib ka saaran yahay in uu sameeyo wixii dalka ay dani ugu jirto si kasta oo uusan u jeclayn cida keentay wanaagaas.

Waxaa hadda soo baxay in ay dadkii la lahaa halgan bay wadnaa ay danaystayaal yihiin, dadkaas oo Halganka awgiis iyaga iyo ilmahoodaba loo keenay Europe. Dadkan aan ka hadlayno way is garan ummaduna way garan ummana baahna in magacooda la sheego, waxaa fiicnaan lahayd in ay damiir yeeshaan oo wadankii isaga oo aan wali xoroobin, magaca JWXO fiiso iyo ticketba loogu diray ee ku yimid Europe in ay u hiiliyaan dalkaas.

Dr. Mohamed Sirad Dolal iyo Eheeng. Salahdin A. Macow, waxay nimankan u soo dhoofiyeen iyaga oo aaminsanaa in ay nimankani noqon doonaan kuwa halganka u hiiliya. Dr. Dolal labo gabdhood oo la dhalatay waxay wali ku sugan yihiin Qaxootiyadda Geeska Afrika.

Yaa sheegi kara, sababta looga fadilay labadan dadkan maanta ku hurda halganka, oo ku balan furay Halgankii dhiiga iyo maalka badan loo soo huray. Isla iyagii ayaa maantana carqalad ku ah badbaadinta iyo toosinta halganka Xoreynta Ogaadeeniya,

Hadaba, si loo ogaado in ay dadkani Halganka ka baxeen oo danaystayal ku balan furan Halganlgankii fursadda u siiyay in ay europe iyaga iyo ilmahoodaba soo galaa, waxaad ku garanaysaa, in ayna ilaa iyo maanta saxiixin warqada dacwada dadka reer Ogadeeniya [Petition] ee uu soo qoray Ra’iisul Wasaaraha Ingriiska H.E. Gordon Brown.

Warqadani waa [Petition] fursad aad dadweynaha somalida ogaadeeniya iyo halgankoodaba qaali ugu ah.

Marka ay dadweynaha ku dhaqan UK inta qadiyadda Ogaadeeniya xiisaysa, sida Republic of Somalia iyo shacabka ka soo jeeda dhulka somalidda ogaadeeniya intoodda badan ay patitationka saxiixaan wuxuu Gordon Brown si toos ah u cambaaraynayaa maamulka Gumaysiga Itoobiya.

Haddaba, waxaa arintan hirgalinteedda hortaagan dad isku sheegaya in ay ehel u yihiin Halganka Xoreynta Ogaadeeniya, oo ay dadweynahu inta badan ka maqli jireen in ay meel walba u galayaan halganka, waxaase maanta kala cadaatay kuwa danaysanayey ee halganka meel ku gaadhayey iyo kuwa uu wadnaha kaga yaalo.

Hadaba waxaa dadkan aan dulmarka ku samaynay iyo inta kale ee wehlisa lagu wargalinayaa, in ay muddo 5 Casho ah ku saxiixaan petitationka, haddii kale waa in ay ogaadaan in ay noqdeen kuwa ka soo horjeedda xoryadda Ogaadeeniya.
Waxaana anaga [waa dadka qoraalka soo qoraye] iyo inta nala midka ah u arki doonaa in ay ihiin kuwa ku balan furay Halganka, oo danahoodda gaarka ah u foofay, gacan saarna la leh Gumaysiga Itoobiya iyo Ururadda ka soo horjeedda Xoreynta dalka iyo dadka ku dhaqan Ogaadeeniya.

Warqadani waxay waano wax ku ool ah iyo digniin abaal oo dalka ah u tahay dadka Somalida Ogadeeniya ee deganka cariga Ingriiska, gaar ahaan kuwa halganka tabcada ku haya ee aan wali la garanin danta ay lee yihiin.

Arimaha siyaasada
rasaas.com