UWSLF iyo Ganacsato u Dhalatay Dhulka Somalida Ogadeeniya oo ku Kulmay Jijiga

 

Nabada uu qaatay ururuka UWSLF iyo wadahadalka nabada ee uu ku jiro ururka ONLF, ayaa waxaa u riyaaqay guud ahaan dadweynaha u dhashay dhulka Somalida Ogadeeniya ee ku nool gude iyo dibadba.

Waxaana soo buuxdhaafiyey magaalooyinka waaweyn ee degaanka dadkii gabalka u dhshay ee kaga maqnaa colaada. Hada, waxaa muuqata in ay ku soo qulqulayaan aqoonyahano, ganacsato iyo siyaasiyiin u dhalatay dhulka Somalida Ogadeeniya oo diyaar u ah sidii ay wax uga qaban lahaayeen horumar la,aanta ka jirta dalka.

Maanta waxaa ku kulmay hoolka shirarka ee Sayid Maxmed Cabdille Xasan ganacsato waaweyn oo u dhalatay dalka oo aad u xiisaynaya in ay dib ugu soo noqdaan dalka oo ay maal gashadaan. Ganacsatada ugu waaweyn ee Kenya ayaa ah kuwa ka soo jeeda dhulka Somalida Ogadeeniya, waxayna muujinayaan in hanti farabadan galindoonaan degaanka.

Wariyaha BBC-da Cabdirisaaq Xaaji Catoosh ayaa ka qayb galay kulankaas.   

[mp3player width=200 height=20 config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://rasaasa.com/jijiga.mp3]