Ururka Nabada Qaatay ee ONLF, oo Aad Uga Naxay Geeridii Cabdi Cabdulahi!

 

War bixin dheer oo ku soo baxday bogga Xaajo.com, oo ay qortay qaybta nabada qaatay ee ururka ONLF, taas oo ay qaybta nabadu tacsi ugu dirtay qoyskii iyo eheladii [oo dabcan uu ku jiro jwxo-shiil] uu ka geeriyooday Maxruun Cabdi Cabdulahi Muxumed, ayaa cadho ku abuurtay taageerayaasha qaybta nabada ee ONLF.

Qaybta nabada qaadatay, ee ONLF, ayaa warbixinta soo saaray muddo lix maalmood ah ka dib, kolkii uu dhintay marxuun Cabdi Cabdulahi. Waxay isweydiinayaan taageerayaasha ururku, sababta Keentay xiligan iyo waliba sababta keenay in uu uruku u diro tacsi miisaankaas leh xubin ka tirsan urur ay iskuhayaan siyaasada cadow ah?

Warbixinta ayaa ka sheekaynaysa taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii Cabdi Cabdulahi min dhamaad ilaa iyo bilow. Waxayna ku timaamaysaa in uu ahaa halyey wax badan u qabtay umadiisa mudadii uu noolaa.

Sida aynu ka warhayno kooxda Jwxo-shiil iyo qaybta nabada qaadatay ee ururka ONLF, ayaa waxaa dhex taalay cadaawad badan iyo dilal. Horayna waxay ugu eedaysay qaybta nabadu in rag uu ku jiro Cabdi Cabdulaahi, ay ka dambeeyeen dilkii hogaamiyaha qaybta nabada qaadatay ee ONLF, Dr. Maxamed Siraad Dolal.

Taageerayaasha iyo qayb ka mid ah xubnaha nabada qaatay ee ururka ONLF, ayaan marna raali ka noqon karin in tacsi noocaas oo kale ah, uu ururka nabada qaatay ee ONLF u diro kooxda dambiilayaasha ee Jwxo-shiil.

Dhawaan ayey ahayd kolkii bogga cakaaranews.com ee ku hadla afka dawlada degaanka Somalidu uu ugu bishaareeyey shacabka Somalida Ethiopia in Eebahay ka qabtay cadowgii dhibaatada ku hayey.

Arinta tacsida ah ee ay qaybta nabada qaadatay ee uruurka ONLF, u dirtay kooxda Jwxo-shiil, ayaan qancin karin shacabka degaanka Somalida Ethiopia iyo taageerayaasha qaybta nabada qaadatay ee ururka ONLF.

Taageerayaasha ururka nabada qaatay, ayaa waxay codasanayaan in uu jawaab deg deg ah ka bixiyo qaybta nabada ee ururka ONLF, tacsida ay u direen masuuliyiinta kooxdu Jwxo-shiil.

Nabada ka dhalatay degaanka Somalida Ethiopia, waxaa horseeday colaad ka abuurantahay dilkii gardarada ahaa ee ay kooxda Jwxo-shiil, si beel ahaana ugu gaystay Dr. Maxamed Siraad Dolal,

Arintaas oo keentay in dadweynuhu fahmo in aan halgan iyo xornimo doon midna jirin, balse uu jiro xoogsi.

rasaasa.com