Ururka Dhallinyarada Somalida Ethiopia UDSE oo shir ku qabtay xarunta Gobolka California, San Diego

 

San Diego, October 30, 2011, [ras] – Ururka dhalinyarada Somalida Ethiopia UDSE, ayaa shir ku qabtay magaalada San Diego, CA.  Shirkan oo ay ujeedadiisu ahayd wado tashi qorshe ah in ay qaar ka mid ah xubnaha ururku booqdaan dalka, si ay xog ogaal ugu noqdaan xaqiiqda ka jirta degaanka Somalida Ethiopia.

Waxaa la filayaa in xubnaha ururku bilaha fooda inagu soo haya ay safar ugu bixi doonaan degaanka Somalida Ethiopia.

Kulankan wada tashiga ah waxaa ku uu dhamaaday guul, waxaana lagu balamay in ururku uu muujiyo waxqabada dhinaca bulshada ah gude iyo dibadba. Waxaa shirka ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Mudane Abdirizak Dahir Budul, oo isagu warbixin ka siiyey xubnaha waxqabadka ururka, waxaana uu kula dar daarmay xubnaha safarka diyaarka u ah in ay xog dhab ah ka keenaan degaanka.

waxaa kale oo isna kulanka ka hadlay ku xigeenkaururka  Fatxi Ibrahim Sirad, oo isna ka hadlay hanaanka ay xubnaha safarka u bixi doona u baxayaan iyo waliba xiliga iyo goobaha ay ka bixi doonaan.

Xoghayaha ururka Mudane Maxamed Yusuf Shabeel ayaa isaguna ka hadlay kulanka UDSE.  Ugu dambayntii waxaa shirka xidhay Afhayeenka ururka Maxamed Ibrahim Caydiid oo isagu ahaa xiriiriyiha shirka.

Suldan Fatxi Sirad Ibrahim
Ku xigeenka UDSE