Ururk Dhallinyarada UDSE SanDiego oo Soo Dhaweeyay Socdaalka Madaxwaynaha Deegaanku ku Marayo Gabalada

 

Aniga oo ah Gudoomiyah Ururka Dhallinyarada  SanDiego Abdirizak Dahir Budul, oo ku hadlaya magaca Ururka Dhallinyarada Somalida Ethiopia SanDiego.  Waxaan aad u soo dhawaynaynaa socdaalka madaxwaynaha degaanka Somalidu ku marayo gabalada, degmooyinka iyo tuuliyinka deegaanka.  Waxaanu aad ugu faraxsanahay in uu madaxwaynuhu lugihiisa ku maro indhihiisana ku arko waxaa ka jira tuulooyinka, qaab nolaleedka ay ku nool yihiin shacabka uu madaxwaynaha u yahay.

Waxaan is leenahay xog ogaalnimo ka dib ayuu madaxweynuhu wax ka qaban dhibaatooyinka dhinac walba.  Runtii socdaalka madaxwayne Abdi Maxamud Cumar uu ku marayo degmooyinka iyo tuulooyinka degaanka waa wax lagu diirsado, oo u baahan yahay shacabku.

Waa arin aan waligeed horay u dhicin socdaalada noocan oo kale ah, oo madaxwayne deegaanka ah wakhti ku bixiyo in uu shacabka ula kulmo fool ka fool.  Socdaalkan madaxwaynaha ayaa ahaa mid aad runtii u dheer oo uu madaxwaynuhu ku maray gabalada Qoraxeey, Jarar[dhaxbuur] iyo Doolo [wardheer] oo ah dhul aad u balaadhan.

Waxaa uu madaxwaynuhu sidan oo kale ku maray socdaal dhinaca lugta ah gabalka Nogob [Fiiq] seddex bilood ka hor. Waxaa gabaladan uu madaxwaynuhu lugihiisa ku marayo ka jira baahi badan, waxaan rajaynaynaa  in socdaalka madaxweynuhu isbadal u keeno baahida shacabka ku nool degmooyinka iyo tuulooyinka gabalada ka jirta.

Madaxwayne Cabdi Maxamud waxaanu ugu hambalynaynaa dareenkiisa ku saabsan shacabkiisa uuna diyaar u yahay in uu wax u qabto mar walba.  Cabdi Maxamud wuxuu noqday madaxwaynihii ugu horeeyay ee socdaal ku kala bixiya gabaladii ay colada dheer iyo xabadu ka taagnaan jireen.

Eebe Wayne mahadii socdaaalka madaxwaynahu wuxuu ina tusayaa in dhulkeena hooyo maanta nabad yahay.  Mida kale waxaanu ku boorinaynaa qurba joogta u dhalatay deegaanka Somalida Ethiopia in ayna dalkooda iyo dadkooda hilmaamin oo ay xasuustaan.  Qurba Joogta u dhalatay deegaanka somalida Ethiopia wuxuu Eebahay ku manaystay dal aad u balaadhan oo aad u qiimo badan.

Dhamaan xubnaha ururka UDSE waxaanu ku farax sanahay in maanta loo kala gooshi karo dhamaan gabalada deegaanka.

Ugu  danbayntii waxaanu  ku baraarujinaynaa cid walba oo u dhalatay deegaanka Somalida Ethiopia in ay ka qayb qaatan horumarka deegaanka ka socda.

Suldaan fatxi Sirad Ibrahim, Ku xigeenka UDSE
Maxamed Ibrahim Caydiid, Afhayeenka UDSE
Maxamed Yusuf Shabeel, Xoghayaha UDSE

rasaasa.com