UN-ta oo Dib u Bilowday Shaqooyinkii ay ka Haysay Gabalka [Ogaden] ee ay Abaaruhu Mudhxiyeen

 

UN-ta ayaa dib uga bilowday waxoogaa shaqooyin ah dhulka Somalida Ethiopia, ee ay abaartu sida xun u hayso. Waxaa kale oo garab socota raad goynta laba ka mid ah shaqaalaha Hayadda Cuntada Aduunka [WFP], kuwaas oo bishan May 13-keedii, laga afduubtay gabalka Ogaden.

“Waxaanu dib u bilaabi doonaa shaqo dhamaystiran, kolka ay noqoto meel nabada oo laga shaqayn karo”. “Si joogta ah ayaanu u qiimaynaynaa xaalada jirta”  sidaasi waxaa tidhi Judith Schuler, wakiilka WFP, mar telefoon maanta lagu waraystay iyada oo joogta magaalada Addis Ababa.

Waxaa bishan May 13-keedii weerar ku dhintay hal ruux, mid kalena waa la dhaawacay, ka dib, kolkii  weerar lagu qaaday shaqaale WFP, oo marayey jidka ka baxa magaalada Jijiga ee aada magaalada Fiiq ah.

Ethiopia waxay weerarkaas ku eedaysay budhacada, ay xukuumada Eritrea qoryaha soo siiso, ee ku qadhaabata magaca ururkii ONLF.

Budhacada, ayaa iyana dhankeeda qortay hadal aan suurto gal ahayn iyada oo ku eedaysay falkaas in ciidamada dawladu ka dambeeyeen weerarka.

Dawlada Ethiopia ayaa bishii ina dhaaftay soo saartay codsi aduun lacageed oo dhan $75 milyan, si loogu gargaaro 2 milyan oo ruux, oo ku nool koonfurta iyo koonfur-bari ee dalka, kuwaas oo ay abaari mudhuxsatay, codsiga waxaa ay ka dambeeyey hayaddaha gargaarka.

rasaasa.com